Wiil gacanta iska jaray

Wiilkan yar oo u dhashay dalka bakistaan ayaa gacanta iska jaray ka dib markii u moodey in uu aflagaadeeyay Diinta Islaamka. Wiilka oo lagu naaneyso Qeysar waa 15 jir wuxuuna ku noolyahay gobolka Banjaab oo ah meesha ay ka dhacdey qisadaan yaabka leh.

 

Qeysar waxa uu kasoo qeybgalay xaflad loo sameeyay mowliidka oo ka socotay Masaajidka kadibna wadadaad goobtii joogay ayaa dhalinyaradii su’aalo xamaasadeed dhexdhigay. Wuxuu weydiiyay “Inta wadadii Nabiga heysa gacanta kor u taaga?” Dhammaan gacanta ayaa la taagey. Wuxuu hadana weydiiyay “Inta aan raacsaneyn gacanta kor utaaga” Markaas ayuu Qeysar si kama ah gacanta utaagay isaga oo moodey in la yiri inta Nagbiga raacsan.

Hayeeshee Wadaadkii ayaa ku eedeyay Qeysar in uu diinta duleeyay . Kadib wiilkii yara waxa uu go’aansadey in uu gacantii uu tagay uu iska jaro, si uu umuujiyo in uu jeclyahay Nabiga.

Laakiin Qeysar oo ka dhashay reer danyar ah oo isagu xoog u ahaa ayaa dhibaatada soo gaartay wiilkooda ay si xun u taabaneeysaa..

 

 

 

 

Xigasho BBCArabic http://www.bbc.com/arabic/worldnews/2016/01/160118_pakistan_boy_accused_blasphemy

Yusufcali@hotmail.com

Sirqarsoon@Gmail.com

Advertisements

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s