Doofaarka Ficilla’aanba lagu cadaabaa…!!!!

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud wuxuu maanta ka qaybgalay barroor diiq loo suubinayo askartii Kenya ee lagu dilay weerrarkii kooxda Alshabaab ku soo qaaday 15

bishaan Ceel Cadde. Madaxweynahu marna tacsi kama dirin shacabka Soomaaliyeed ee lagu gummaaday Ceel Cadde oo u isagu mas’uulka ka yahay. balse taas bedelkeeda maanta wuxuu ka qaybgalayaa Aas qaran oo loo suubinayo ciidamada Keenyaatiga.

21 Bishan kooxda argagaxisada ee Alshabaab waxay ku xasuuqday xeebta Liido ee magaalada Muqadisho dad kor u dhaafaya 25 qof halka aay ku dhaawacday tiro intaa ka badan, Madaxweynaha Soomaaliya marna dadkaasi ma u sameyn tacsi qaran kamana qaybgalin aaskooda. taas bedelkeeda wuxuu shaah u doontay xeebta LIIDO iyadoo dhiiga maydadkii weerarka halkaasi ka dhacay wali ka qoyan yahay goobta.

Waxaan dhihi karnaa Hoggaanka Soomaaliyeed ee maanta waa mid keliya ka fekerin danaha shisheeyaha halkii laga doonayay shacabka Soomaaliyeed inuu waqtigiisa ku lumiyo madama ay iyagu yahiin kuwa xilku ka saaran yahay.

Waa nasiib darro iyo hoggaan xumida haysata dadkeenna Soomaalida ah, Hoggaamiye aan naxariis shacabkiisa tusayn halkaa uu u nugul yahay shisheeyaha iyo danahooda gaarka ah, naxariis aan shacabkiisu ka heleyn balse booqan dhaawacyada kana qaybgali maydadka askarta dalalka kale kuwa dalkiisana aan maalin xiita xusuus u hayn.

 

Click for Options

Dhaawaca Keenyaatiga waan soo booqan, Maydkooda waan u soo barrooran… Balse gummaadka shacabka Soomaaliyeed, Dhaawaca iyo dhimashada askarta Soomaaliyeed midna waxba igama gelin… Sidaas waxaa inagu leh Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Md. Xassan Sheekh Maxamuud.

Edmund Gustav Albrecht Husserl oo aha filasoof caan ah oo u dhashay dalka Jarmalka aya yidhi ”Qofka loo tilmaamay ama lagu doortay hoggaanka Bulsho ha ku qiimayn qarrad weynidiisa ee ku qiimeeya weedhiisa iyo warmahiisa” Wallee Taasi been ma aha oo maanta waxaan aragnaa Xassan Sheekh Maxamuud.

Xassanow haddii aan waxba ka gelin shacabka gumeysataha Keenyaanku ku xasuuqayo gobolka Gedo ama kuwa xeebta Liido ee aad shaaha u doonatay lagu xasuuqay, adigoo dhiigoodii shaah ku dul cabay ogow damiirka shaqsi u ku jira Soomaali magaceeda inuu metela inaysan ahayn wax dhegaheena u wanaagsan.

Askariga magaca qaranka u dhintay, shaqaalaha iyagoo dowladda u adeegin geeriyooday ama shacabka Soomaaliyeed ee argagaxisada iyo ciidanka gumeysigu dilayo waxaa ka qiimo badan miyaa askarta cadowga Soomaaliyeed.

Su’aal kale ayaa iyaduna isweydiin leh, Aaway maamul gobolleedyadii dalka ka jiray maxay u dhici wayday mid uun inuu ka hadlo dhibaatada shacabka Soomaaliyeed loo gaysan mise taasi waxba kama gelin iyaga…Qof kasta wuxuu hadlayaa marka gurrigiisa dhibaatadu gaarto taasina waa waxaa dhammaanteen la inagu wada dili doono illaa dalkan la inagala wareego.

Dabadhilif cadowga shisheeye u adeegga, Siyaasi dantiisa ka hormariya tan shacabkiisa, iyo shaqsi lacag siisata wadankiisa illaa intaas la inaga waayo wallee dalkeennu marna horumar iyo guuleysi ma gaari doono.

Yusuf Ali Adan
Yusufcali@hotmail.com
Sirqarsoon@gmail.com

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s