Aragtidda Yusuf Cali Aadan ”Dulmi-doone iska dhigayaa dulmi-diid Puntland ka hor lama arag…”

Cabdiwali Gaas Horjoogaha xilligan ee Puntland (Maxamuud Slaeebaan)
Cabdiraxmaan Faroole Horjoogahii hore ee Puntland (Maxamuud Saleebaan)
Cali Warsame (Cali AKhwaan) Wasiirkii hore ee Waxbarashada maamulka Puntland (Maxamuud Saleebaan)

Dhammaan waxay sheegteen xaqdarro iyo dulmi dowladda Soomaaliya ku dhaqaaqday, iyagoo aysan u muuqan dulmiga iyo xaqdarrada Puntland ka jiraa…

Waxay ugu baaqeen beesha Habargidir dagaal ka dhan ah Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud, Balse iyagu marna ma ogola dagaal looga hor yimmaado maamulkooda iyo ficilladooda gurrucan.

Marna ma soo hadal qaadin Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya madama u la qabiil yahay, sidoo kale isma waydiin nidaamka dowladda Soomaaliya ku dhisan tahay waa mid qabiil ee shaqsiga beeshiina metela maxaad Eedeynta qayb uga siin waydeen…!!!

Maanta waxaan ogahay hadalkan kama soo baxeen raggan haddii nin la beel ah u Madaxweynaha Soomaaliya yahay, waa dad xaasidnimadu noloshooda tahay ”Kursi jacayl dartiisana waa kuwa gumaysi xiita u aqbali sidii Cabdullahi Yeyba hore u sameeyay…” Balse Soomaali maanta taasi ma aqbalayso hore ayaana loo socon doona.

Dooro xaarka way wada cuntaa, af-tirashadeyse isku dhaantaa… Faroolow munaafaq intaad qof odhan bal adigu is xasuuso… Xaaskaagii ayaa u dhimatay dembiyada geli jirtay wixii aad suubin jirtay iyo hagardamadii umadda Soomaaliyeed aad ku haysay.. tan kale ammaanka iyo barwaaqada sheegan ma dilkii dadka masakiinta ee habeen waliba ka dhici jiray Puntland waqtiga horjoogaha ka ahaydbaa…..!!!!

Maanta Soomaali waxay u baahan tahay shaqsi horumarkooda ka shaqeya ee ma u baahna qof gadaal u celiya dadkan hiigsiga sarreeya leh, Ey is cunaysaa waraabe iskama celiso Soomaalay indhaha aad isku aragtaan cadowga ku fiirsha, dhexdiinana dulmiga yaalla horta eega intaa aan mid banaanka jira la fiirsan.

Anigoo Puntland u dhashay haddii aan caddaalad iyo sinaan waayay maxay tahay xaqdarrada aad maanta ka cabaadaysaan Gaas, Faroole Ama Cali Akhwaanow?? idiinko dadka deegaanka aad wadaagtan dulmi ku haya sideed kuwa kale caddaalad uga raadisan..!!!

Caddaalad la doonin hoos ha laga soo billaabo, waan ogsoon ahay oo nidaamka 4.5 ma aha Xalaal balse waxaan daliishanaya kelmed intaa badan siyaasiyiinta Puntland ee xilka hayaa addeegsadan oo ah ”Xalaal ma aha balse waa Xal…” 4.5 Waa Xal ee xalaal inuusan ahayn qof kasta oo Soomaaliyeed ayaa ogsoon.

Adigoo ceeb dhex fadhiya ceebta walaalka ayaysan kula noqon wax wayn.

Maanta mudaaharadka ka dhacay Boosaaso, Qardho, Garoowe, Buryaqab Iwm runtii waa mid dad gaar ah ku doonayaan inay ku xalaashadan dulmi ka badan ka ay maanta ku sugan yahiin taasina mid la aqbali ama la yeelli doono marna ma aha.

 

Yusuf Cali Aadan

Yusufcali@hotmail.com

Sirqarsoon@gmail.com

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s