Yemen: Xawaaladihii oo xidhmaya

Iftin, Taaj, Tawakal, Jubba, Mustaqbal, Taran, Dahabshiil iyo qaar kaloo badan ayaa qarka u saaran in ay meesha baneeyaan iyada oo Amal iyo Khaah ay ku dhawaad hal sano ay albaabadu u laaban yihiin xarumihii ay ku lahaayeen Sanca.

Xawaalada Dahabshiil ee Xaruntoodu tahay Taxriir ayaad ku arkaysaa qof iyo labo macaamiishooda ah oo sugaya in ay lacag loo soo diray qaataan ama raba in ay diraan lacag, halka ay fiilo dhaareer u gali jireen dadka macaamiisheeda hadda ka hor.

Is dhimida dadka ayaa loo maleynayaa in ay la xidhiidho sarifka dollarka ah oo ay aad u raqiisiyaan iyo iyada oo is ka diiday in ay lacagaha la soo diro dollar ku bixiyaan.

Tusaale, qofka raba in labo boqol oo u taal in uu ka qaato , waxa uu suuqa kaga helayaa sarifka ah 50,000 oo lacagta Riyaal Yamaniga ah halka ay xawaaladu ku siineyso ugu badnaan 44,000 halkaas oo kaaga cagd in ay xawaaladu ka shaxaadeyso ugu yaraan 6,000 oo Riyaal Yamani ah. Lixda kun qofka iskaabulada ah waxa uu ku kireysan karaa bishii hal qol.

Xawaaladihii kale ee Xarunta ku lahaa Sanca oo macaamiisheedo sida uu suuqa ka yahay sarifku aan waxba ka nusqaamin jirin ayaa albaabada loo xidhay, is la markaasna qalabkii ay ku shaqeynayeen lagala wareegay. Halka qaarkalena xabsi loo taxaabay.

Xidhayga xawaaladaha ayaa lagu tilmaamay in ay la xidhiidho in xisaab xidhkii oo sanad walba bisha afraad ay dowlada u gudbin jireen ay ka soo hormariyeen Dowlada ka arimisa hadda Sanca. Waxaa kale oo jira tuhun ah in xawaaladu is ku eryayeen.

Xawaalada Dahabshiil ayaa iyadu ah mid furan oo dadka lacagtu u taal horay kala soo hadlaysa, halka kuwa kale oo jeebleynaya ay dhahayaan lacag kuuma taalo mar uu soo dirihu dhankiisa ka soo hubiyay in la soo diray.

Dhowr kun oo Soomaali ah oo wali ku  hadhsan ama ku nool Yemen ayay xaalad qalafsan soo foodsaartay ka dib markii xawaaladihii ay ka qaadan jireen biilalka ay noqdeen kuwo la xidhay iyo kuwo qarka ka sii dhacaya.

Waxaa qoray – Axmed Cabdi
Wariye madax banaan ahna qoraa

Advertisements

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s