Ciidanka Puntland afar billood Mushahar ma qaadan

Nin Saaxiibkay ah oo askariya dayntana ka qaata dukaan yar oo aan leeyahay wax Mushahar ahnaa aan qaadan muddo afar billood ah ayaa shalay la soo siiyay lacag dhan 700 shillin Soomaali ah.

“Waxaan qaadan jiray 1500 Sh.So annagoo aan afar billood Mushahar qaadan ayay nagu dhaheen bishaan 50% lacagtii waa la idiinka jaray waxaana la idiinka gooyay dagaalkii Gaalkacayo.

Kaga sii darane 700 Sh.so ee nala siiyay 200 oo ka mid ah waa lacagta shanta boqol ah oo aan ka shaqayn Boosaaso balse Garoowe iyo Gaalkacayo ka shaqaysa.

200 labada boqol waxaa lagugu bedelayaa haddii aad sarifle ulaa tagtid $2 oo u dhiganta 48,000 oo shillin Soomaaliya, ama waa inaad qof meherad leh siisa si u canshuurta ugu bixiyo ama aad qaad siisata.  Waayo Shanta boqol Boosaaso waxaa kaliya qaata maamulka Puntland oo canshuur u qaata iyo qaadwalayaasha.

Maciishadu waa meeshiidii dollarkiina waa kor magaaladiina dollarka yaal iyo Shilin Somaliga dollaarkaa badan, Masaakiintu waa bakhtidey Maxamuud Saleebaan dharag.”

Waa sidaas nolosha gobolka Bari ama magaalada Boosaaso ee runta ah. Askariga deegaankuna dhibkaasu ku nool yahay isagoo deegaankiisu Puntland Canshuurteeda 90% Bari ka soo xeeroto.

Sirqarsoon@gmail.com

image

Advertisements

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s