Qabiilkii biyaha jeclaaday!

Maalmo ka dib markii loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Biyaha, ayuu mudane Hafiye ku soo noqday degaankii beesha. Wuxuu ka sheekeeyey siduu u soo dhiciyey cadkii beesha ka maqnaa.

Wasaaradaha difaaca iyo maaliyadda ee la jecel yahay in aanay micne weyn lahayn ayuu ka sheekeeyey. Noloshuba inaanan biyaha ka maarmin ayuu ku nuuxnuuxsaday. Axaadiis iyo aayado badan ayuu ku xoojiyey aragtidiisa uu qiimaha biyaha ugu caddaynayey beesha. Hadalkiisii ayaa si tartiib tartiib ah ugu baahay degaamadii beesha. Waxaa bilaabatay in la dhawro biyaha oo aan dayac loo daadin. Dhalinyaro iyo odayaal, rag iyo dumar beeshii waxay bilawday in ay meel walba kaga sheekeeyaan wanaagga biyaha iyo sida aan looga maarmin. Waxay is lahaayeen kolley sababta iyaga loogu aaminay biyaha waddanka oo dhan, waa in la ogaaday in ay yihiin beel aan laga maarmi karin, sida biyahaba aan looga maarmi karin. Markay beelaha kale wax ka sheegayaan waxay oran jireen: “Hadday qiime leeyihiin biyahaa loo dhiibi lahaa!”

Caruurtii maalmahaas dhalatay waxaa loo bixinayey magacyo biyaha la xiriira sida: Xareed, Maax, Rooble, Qoyan iyo Biyood.

Beeshu ma jeclayn dadka sheega in biyuhu sifayn u baahan yihiin waayo waxay u qaadanayeen in iyaga loo qarinayo in Wasaaraddoodu ay gaabis tahay “Awalba biyaha lagama hadli jirine, maxaa hadda idiin muuqday!?”.

Waxaa bilaabatay dood cilmiyeedyo lagu gorfaynayo sababta biyuhu aanay midab iyo dhadhan midna u lahayn. Beeshu waxay ku andacootay in Soomaalinimadu tahay saafi aan midab lahayn, markaa ay iyagu yihiin beesha keli ah ee aan Soomaalinimadooda la barxin. Falsafado badan oo muujinaya isku xirnaanta beeshan iyo biyaha ayaa la dhanbalay oo la qodobeeyey.

Isku shaandhaynta wasiirada ee soo socota waxaa laga baqayaa in ay dhulgariir falsafadeed u keento beesha.

Abdulqadir Diriye

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s