Madaxweynaha Soomaaliya ”180-200 Askarta Kenya Ayaa La Dilay” Iyo jawaabta Kenya
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in inta u dhaxeysa 180 illaa 200 oo ka tirsan askarta Kenya lagu dilay weerarkii Al-Shabaab ay ku qaaday saldhigga Ceel-Cadde bishii hore.
Madaxweynaha ayaa tiradan ku sheegay wareysi uu siiyey Arbacadii TV-ga Somali Cable oo ka mid ah taleefishinada Soomaalida.
“Marka 180 illaa 200 oo wiilashii aad usoo dirtay nabad soo celinta Soomaaliya la dilo subax qura, ma ahan wax fudud” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya, xilli uu difaacayey go’aankii uu uga qeyb galay tacsidii loo sameeyey ciidamada Kenya laga dilay.
Afhayeenka ciidamada Kenya David Obonyo ayaa si deg deg ah u beeniyey warka madaxweynaha Soomaaliya.
Isaga oo la hadlayey waregeyska The Star ee Kenya ayaa Obonyo waxa uu yiri “Madaxweynaha Soomaaliya waxaan filaa inuu ku koox yahay Al-Shabaab, tirada uu sheegayo waa wax aad uga fog tirada cutubka ka koobnaa”.
Nuur Maxamed Buraale oo ah guddoomiyaha degmada Garbahaarey ayaa bishii tagtay VOA u sheegay in 200 oo askar Kenyan ah lagu dilay weerarkii Ceel-Cadde.
Xigasho – VOASomali