Sidee Loogu Qancin Karaa Puntland Doorashooyinka 2016?

Madashii Istanbul waxaa lagu taageeray habka  4.5 ka oo ay horaantii bishii January isku afgarteen dhinacyadii ku jiray Madasha Qaran (madaxda Federalka iyo kuwa maamulada),
markii laga reebo Somaliland iyo Punland oo baanaanka ka istaagtay, si toos ahana uqaadacday inay  qeyb kanoqto hab doorasho lagu jaanjooyay  qayb qabiileedka 4.5-ka, waxa ayna sabab uga dhigeen madaxda Puntland in habkani uunan uqalmin rabitaanka bulshada ku dhaqan Punland oo doonaysa doorasho hab deegaan ah.

Dadaallo badan oo ay ku bixiyeen, wakiilada ururada QM, MA ,dublamaasiyiin ree galbeed ah iyo waliba qaar kamid ah dalalka dariska ah inay kuqanciyaan Puntland  habka doorashada ee 4.5ka ayaanan waxba kabadelin go’aanka Punland  oo umuuqada mid cad oonan kalaabasho lahayn. Waxaana la’oran karaa go’aanka ay qaadatay Punland waa mid ay ku xeerantahay khatar badan oo wiiqi karta midnimada iyo qaranimada Soomaliyeed, hadii aysan madaxda Somalidu si xilkasnimo leh isula lafagurin sidii ay xal maangal ah uguheli-lahaayeen arrintaas.

24tii bishaan Feebarayo waxaa soo xirmay shirkii Madasha Iskaashiga ee Heerka Sare ee uu marti-galiyay madaxweynaha dalka Turkey-ga mudane Erdogan , waxaana ka qeybgalay madaxda  Dawladda Federalka ah, madaxada maamul goboleeyda, wakiilo kasocday 46 dal iyo 11 urur oo caalami ah. Hayeeshee waxa anan  imaanin madaxda Puntlnad oo lagu casuumay shiraaksi, iyada oo madaxweynaha Puntland uu udhoofay Washington halkii madashuna ahayd Istanbul.Taasina waxa ay tusaale cad utahay sida ay Puntland uga biyo-diidsantahay hanaanka doorasho ee lagu taageeray Turkeyga. Dhanka kale waxa iyadana gabi ahaanba goobta shirka kamaqneyd Somaliland oo ah actor kamid ah dhinacyada siyaasadda Soomaaliya. Iyadoo anan lagu xusin bayaankii ay soosaareen dhinacyadu arrinta Somaliland iyo sida looga qeybgalinayo deeganada hoosyimaada doorashooyinka 2016.

Kamaqnaashada Puntland ee madaxsha shirka waxa ay ahayd mid siweyn  looga dareemayo goobta shirka guud ahaan iyo qiimaha nuxurka kasoobaxay gaar ahaan, iyada oo kasooqeygalyaashu ay bayaankooda  kuxuseen hadal laga dhadhasankaro in aysan qabsoomi Karin doorashooyin loodhanyahay hadii  madaxda Federalka iyo kuwa maamuladu aynan kashaqeyn sidii ay Puntland ugu qancin lahayeen arrinta doorashada, waxaana ladhihi karaa arintaasi waa masuuliyad culus oo beesha caalamku ay dusha usaartay madaxda Soomaalida, xilli ay iyaduba ka gaabisay qancinta Puntland.
Guud ahaan markii la’eego nuxurka bayaankii laga soosaaray shirkii Istanbul oo kakoobnaa 33 qodab, ayaa waxa ugu muhiimsanaa waxyaabihii diiradda lasaaray arrimaha Xuquuqul Insaanka, kaqeybgalinta dumarka iyo dhalinyarada siyaasadda dalka, hufanaanta maamulka, dhismaha hay’adaha dawladda. Sidoo kale waxa kaqeybgalayaashu ay udaadageen faaqidaada arrimaha siyaasadda, doorashooyinka iyo waliba habdhismeedka maamul ee nidaamka siyaasadeed dalka guud ahaan uu yeelanayo doorashooyinka kadib.  Bayaanka ayaa sidoo kale loogu baaqay dawladda federalka iyo maamul goboleedyadu inay kashqaeeyan sidii ay Puntland ugu qancinlahayeen arrinta doorashooyinka.

Maxaa Xal Ah?

Xalka waxa uu kujiraa gacanta madaxda Somalida oo ay ugu horeeyaan kuwa xukuumadda federalka ah, waxaana lagudboon in ay si indheergaradnimo ah uwajahaan arrintaan.

Madaxda Puntland waxa ay kutaaganyihiin lahayn dib unoqosho anan lahayn, sidaa daraadeed waxa hogaanka mubaadaradu uu haatan gacanta ugu jiraa madaxa dawladda federalka ah , waxaana haboon in ay layimaadaan biseyl siyaasadeed oo ay kumaareeyaan arrinta Puntland.

Waxa aan qormadan kusoo jeedinaynaa talo iyo aragti ku aadan sida loogu qancin karo Puntland doorashooyinka 2016-ka, oo aan aaminsanahay haddii laqaato in ay tahay xal dhexdhexaad iyo maangal ah:-

Maadaama ay suurtagal noqon weyday in ay kaqabsoonto doorsho qof iyo cod ah gobolada iyo deegaanada dalka ee dhinaca koofureed, sababo badan owgood oo ay ugu horeeyaan nabadgalyo-xumo iyo maamulka dawladda oonan katalin deegaanadaas intooda badan, waa in latixgalyo rabitaanka dadka kunool deeganada Puntland oo ay kajirto daganaasho siyaasadeed oo suurtagalinayo in dadka deeganku ay hab dimoquraadi ah usoo doortaan xubnaha baarlamaanka.
Sikale hadii aan udhigno Puntland waxa ay sibuuxda ugatalisaa markii lagu daro qeybo kamid ah gobolka Mudug, labada gobol ee Bari iyo Nugaal, hadii doorashada lagu saleeyo hab degmo iyada oo laraacayo demooyikii qeybin mamuleedkii dawladdii dhexe, tirada degmooyinka ay maamusho Puntland waxa ay noqonayaan 14 degmo. Haddii sadex iyo tobankaasi degmo looqoondeeyo inay kasoo baxaan min labo xildhibaan waxa ay noqonan wadarta guud ee tirada xildhibaanada (28mudane)  taasi oo ah in kudhaw tirada xildhibaanada ee ay haataan 4.5ka kuhelaan qabiilada kudhaqan deeganadaas. Arrintaasina waxa ay xal unoqneysaa kala aragti fogaashaha udhaxeeya labada dhinac, iyada oo dhanna lahergalinayo doorasho hab deegan ah  oo ay dadka deegaanku doortaan ,dhanka kalena lagu jaanjooynayo tiro laqorsheeyay.
Ugu danbey waxaa haboon in siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay garwaaqsadaan marxaladda adagee dalkau marayo in aysan ku habooneyn diir-kudhagnimo iyo adadeyg dhanka mawaaqifta ah, laakiin ay haboontay in ay isu muujiyaan tanaasul shuruud la’aan si wadanka looga saaro hogga uu ku jiro.

Adam Hussein

FAAFIN – Sirqarsoon@gmail.com

Advertisements

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s