Taliye ciidan oo lagu dilay Berbera
Wararka ka imaanaya magaalada Berbera ee Somaliland ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay Taliyahii hore ee Qaybta magaalada Berbera Cabdirisaaq Yuusuf Maxamuud Casayr. taliyaha ayaa waxaa dilkiisa fuliyay dablay hubaysan kuwaas oo jidgooyo u dhigtay.
Kooxda hubaysan ayaa sidoo kale dhaawac u gaystay labo ka mid ah ilaalada Taliyaha.
Dilalka saraakiisha ciidanka ayaa muddooyinkan dambe ah kuwa ku soo badanaya deegaanada Somaliland. Sirqarsoon ayaa oogatay in dilalkan tusbaxa afka laga furay noqday ay sabab u yahiin aanooyin qabiilada deegaanka dhexdooda ah.
Sirqarsoon@Gmail.com