Aabaha gabdhaha agoomaha !!

111 gabdhood oo Aabe la’aan ah ayuu guurkooda badbaadiyey:

(Qiso dareen leh)

Tujaarta iyo ganacsatadeennu maxay kaga dayab karaan ninkan?

12829327_533109580183172_8630356806031133219_oHindiya haddii aad tahay gabar oo aadan ka dhalan qoys awoodi kara inay kaa bixiyaan sooryada wiillka reerkooda la siiyo guurkaagu mugdi ayuu ku jiraa, haddii gabadha waalidkeed gaar ahaan Aabuhu uu dhintey gabadhaasi rajo guur way kala durkeen.

12819391_533109606849836_8104329925617874897_oLaakiin nin la baxay Aabaha xanaannadda ayaa u guuriyey 111 hablood oo Aabo la’aan ah kuwaasi oo uu u guuriyey ninkii ay isdoorteen, waxaana uu ka bixiyey mid kasta 7,300 oo doolar oo sooryo reerka wiilka la siinayo, waxaa kale oo uu dhabarka u ritay dhamaan qarashka ku baxaya xafladda arooska.

“Waxaan siiyey dahab, dhar iyo qalab kala duwan oo electronic ah gabar kasta, waxaan kale

oo bixiyey dhammaan qarashkii ku baxayay arooska sida sooryadii wiilka la siin lahaa, waxaan go’aansaday innaan dhigo aroos wadareed si aan u yareeyo qarashka ku baxaya arooska kali-kaliga ah” ayuu yiri ganacsade Mahesh Savani oo ah maalqabeen ka shaqeysta ganacisga Dheemanka.

Tv-ga NDTV ee dalka Hindiya oo warbixintan baahiyey wuxuu sheegay in Mr Savani uu bilaabay in uu caawiyo guurka dadka saboolka, waxaana guurkii ugu horeeyey ee uu xabadka saartay qarashkiisii uu ahaa ka dib markii nin u shaqeynayey uu dhintey 12 maalmood ka hor xiligii uu qorsheystey in uu u guuriyo laba gabdhood oo uu dhalay.

“Ma doonayo in aan tabarucaad ka helo cid kale tani waa hawshayda innaan aroos wadareedka caawiyo”.

Gabar ka mid aheyd labadii gabdhood ee uu dhalay ninkii dhintey waxay sheegtey in Mr Savani uu yahay qof ILAAHAY u soo diray waxayna ku tilmaamtey Aabe waxay tiri “aniga kaliya ma aha ee xitaa qoyskeenna oo dhan ayuu u yahay”.

Bal hadda inyar qooraanso dalkeenna ganacsatadu waa dadka lagu tiriyo naxariis lawayaal walow qaarkood wax wanaagsan sammeyaan haddana waxaa lagu tilmaamaa kuwa dantooda tacabka maal uun muruq iyo maskax isugu geeyey qaarbaa daawooyin, raashin iyo cabitaan dhacay ama tayo liita dalka soo galiya, kuwaa loo bixiyey turaajiriinta dagaalka oo in shiddo iyo dhib lagu jiro ka faa’ida.

In badan baa dhoofinta xoolaha dhediga ah iyo xaalufinta dhirta ku naaxay oo aan dal iyo dad dantoodu ahayn.
W/D: Mowliid Xaaji Cabdi.

Xigasho: NDTV

 

 

 

FAAFIN – Sirqarsoon@gmail.com

Advertisements

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s