Alshabaab oo beenisay in laga dilay 150 ciidankooda ka tirsan

War rasmi ah oo kasoo baxay kooxda Argagaxisada Alshabaab ayay ku beeniyeen in Maraykanku 150 dagaalyahan duqeyn Soomaaliya ka dhacday kaga dilay in kastoo kooxdu sheegtay in duqayntu tahay mid jirta.

Afhayeenka Alshabaab Cabdicasiis Abumuscab ayaa khadka telefoonka ugu sheegay telefeshinka Aljazeera qaybta Ingiriiska in duqaynta ay tahay mid dhacday balse aan laga dilin tirada Mareykanku sheegtay.

“Maraykanku riyo ayey ku jiraan, weligeen cadad intaas la eg oo ciidankeena ah ma isugu keenin mana ku kulminin hal meel, waan ka warqabnaa xaaladda amaanka”

“Haa weerar waa uu dhacay, wuxuuna ka dhacay deegaanka ay sheegeen laakiin Numberka ay caalamka u sheegayaan in ay dileen waa been waxba kama jiraan ah” ayuu yiri Abuu Muscab ninka la baxay oo la hadlayay Aljazeera

Wasaaradda gashaandhiga dalka maraykanka  ayaa war murtiyeed ay shalay soo saartay ku sheegtay inay dishay 150 ciidanka alshabaab ka tirsan.

 

 

 

Yusuf Ali Adan

Sirqarsoon@gmail.com

Advertisements

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s