Marwada Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qaybgashay xuska maalinta Haweenka adduunka.

Marwada Madaxweynaha Dalka Marwo Sahro Cumar Xasan, Wasiirka Haweenka, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Haweenka, Xildhibaanno ka tirsan golaha dadwaynaha iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu weyneynayay maalinta haweenka adduunka ee 8 Maarso, kaasi oo ay sidoo kale ka qayb galeen qaybaha kala duwan ee bulshada, gaar ahaan ururrada haweenka oo ay ka joogtay guddoomiye ku xigeenka ururka Haweenka qaranka Canab Xasan Cilmi.

hooyoqaranMarwo Sahro Cumar Xasan ayaa ugu horeyn hambalyo ku aadan 8-da Maarso u dirtay Haweenka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan, waxaana ay haweenka ugu baaqday inay ka qayb qaataan sugidda amniga iyo ka difaacidda cadowga dalka, isla markaana ay hay’adaha amniga ku tageeraan adkeynta nabadgelyada si looga hortago dhagarta ay maleegayaan kooxda argagixisada Alshabaab.

hooyo8 Maarso ayaa sanad walba haweenka caalamku u dabaal degaa xuska maalintan haweenka adduunka waana maalin wayn oo u haweenku u dabaaldego guulaha dhaqaalaha, dhaqanka iyo siyaasada haweenku ka gaareen sanadkii tegey ama hiigsan sanadka soo socda.

Haweenka Soomaaliyeed ayaa door wayn ku leh siyaasada xilligan iyo weliba horumarka dalka in kasto wali ay jiraan caqabado hor taagan oo u baahan in laga gudbo.

 

Hambalyo ayaan leenahay dhammaan haweenka adduunka gaar ahaan haween waynaha Soomaaliyeed.

 

 

Sirqarsoon@gmail.com

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s