Dhibaatooyinka halkuu ka haystaa shicibka Jabuuti ?

Waxa uu xidhxidhay Culumadii, Siyaasiyiintii iyo Wariyayaashii rabay in ay Jabuuti ka samata bixiyaan ibtilada uu ku reebay Ina-Cumar 18-kii sano ee u danbeysay.

Dalka Jabuuti oo ah dad Ilaahay nasiib u siiyay dhul Istaraatiiji ah, ayaan waligood nasiib u yeelan in ay helaan hogaamiye daacad ah oo dalka u horseeda barwaaqo iyo badhaadhe.

12-kii bisha June , 1981-kiii, Xasan Guuleed Abtidoon ayaa xilka madaxtinimo ee Dalka Jabuuti hantiyay isaga oo ayna cid la tartamaysa xisbigiisa RPP jirin.Ma jirin xisbi kale oo siyaasadeed oo kula tartameysay madaxtinimada; wuu ka hortagay in xisbi kale dalku sameysto.

Sanadkii 1999-kii, Kaligii Taliyaha Ismaaciil Cumar Geele ayaa xilka kala wareegay Abtidoon oo 18 sano hayay xilka madaxtinimo.

6 sano adeerkii ayaa ugu yaboohay xilka madaxtinimo. 6 sano ka dib markii uu balanqaad u sameeyay dadka, balse aan wax ba ka fulin ilaa hadda meel marinteeda-ayaa loo dhiibtay. Waayo, Jabuuti ma aha umana dhawa Dubai iyo Singapore-ta uu lahaa waan ka dhigayaa, sida uu ku dhawaad labaatan sano dadka beenta ugu dhurayay.

Ina-Cumar Geele oo hadda haya 18 sano ayaa lix sano sharci darro ku joogay Madaxtooyada Haramuus ee Magaalo madaxda Dalka.

Si uu u xalaaleysto xilka xaaraantinimada uu ku joogo, waxa uu xiligaas badalay dastuurkii dalka u yaalay ee dhigayay in labo lixaad (6+6=12) wax ka badan qofna madaxweyne dalka ka noqon karin, iyada oo looga danlahaa in rajo la galiyo wiilka jaamacadaha baranaya in uu dastuurkiisu fursad damaanadqaad ah u siiyay madaxtinimada.

Waxa uu dagaal waxashnimo ah ku qaaday dhammaan dadkii dhaliilsanaa siyaasadiisa, is la markaasna aan rajo ka qabin siyaasada dib u dhaca keentay ee Ismaaciil Cumar la yimid.

Wax qabadka uu dalka u qabtay waxa ay noqotay mid aan labadiisa bishimood dhaafsaneyn.

Waxa uu ganacsatadii ka dhigay in uu dalka ka eryo iyo in uu jeebkiisa ku shubto. Cabdiraxmaan Booreh ayaa ka mid ah ganacsatada sida xaqdarada lah looga masaafuriyay dalka. Malaayiin doollar ayuuu ku kharaj gareynayaa si uu dagaal maxkamadeed u la galo Cabdiraxmaan Booreh wakhti dadkiisu ay gaajo la ildaran yihiin oo ayna awoodi karin sixniga fuulka ama harkooga (digirta).

Waxa uu xidhxidhay Culumadii, Siyaasiyiintii iyo Wariyayaashii rabay in ay Jabuuti ka samata bixiyaan ibtilada uu ku reebay Ina-Cumar 18-kii sano ee u danbeysay.

Waxa uu laayay tobanaan dad ah oo xus diineed ku dhiganeysay tuulada Buldhuqo ee duleedka Xaafada Balbala ee Jabuuti, dhammaadkii sanadkii 2015-ka. Si uu boqortooyada u sii xajisto, waxa uu dagaal ku qaaday Beelweyntii Ciise ee Geeska Afrika.

Si uu qabiilada waaweyn ee Ciise, sida Furlabaha, Odaxgobka, iyo Reer-Geediga isaga ilaaliyo waxa uu hoosta soo gashaday Cabdi Cabdullaahi oo ka soo jeeda beesha yar ee Uurweyne. Cabdi Cabdullaahi taliska Ciidanka Booliska Jabuuti waa ninka masuulka ka ahaa leyntii lagu badhtilmaameedsaday Yoonis Muuse.

“Dagaalkii Raas Dumeera ee afarta cisho (June 10-13,2008-dii), waxa ku riixay Ina-Cumar Xukuumadii Itoobiya ee Meles Zenawi oo rabtay in ay deked ka sameysato bada Jabuuti Itoobiyana uga go’aan,” sida uu sheegay Cabdi Wahaab oo ka mid ahaa Ciidamadii Itoobiya ee Eliteriya dagaalka kula galay Raas Dumeera.

20-kii Janaayo, 2011-kii, Ismaaciil Cumar waxa uu dhalinyaro da’yar oo Ogaadeen ah ku weeraray guryahii ay ku noolaayeen ee Xaafada 7-aad iyo 4-aad ee Jabuuti, xili ay hurdo macaan ku jireen- kuwaas oo markii danbe uu u gacan galiyay Itoobiya. Haddana, waxa uuba rabaa in uu batroolkooda ka ganacsado.

20-kii sano ee ugu danbeeyay waxa uu Ina-Cumar dhib ku hayay dalka Soomaaliya isaga oo isu muujinaya in uu u yahay naseex, si la mid ah ibliiskii Adam (c.s.) janada ka soo saaray isaga oo is ka dhigaya mid naseex u ah.

Waxa uu dagaal dhanka dhaqaalaha la galay Somaliland oo uu u arko dekeda Berbera haddii maalgashi shisheeye lagu sameeyo in dilaalnimadiisu meesha ka baxayso.

Waxa uu Jabuuti si arxan darro ah ugu cadaabay kumanyaal shacab Soomaaliyeed oo reer Koonfureed ah oo tahriib ku maraysay dalka sanadadii u dhaxeysay 2007-2008-dii.

Waxa uu dagaal joogta ah la galay beelweynta Daarood oo faaliyihiisu u sheegay in uu ka ilaaliyo madaxa in ay kor u soo qaadaan Daaroodku.

Siyaasada dilaalnimo iyo xadhigleynta Ismaaciil Cumar waxa ay dalkiisii ka dhigtay meel askari iyo ay kaliya ay ku noolaan karaan, sharaftii iyo karaamadii Reer-Jabuutina si weyn u dhaawacday. Waxa uu sameystaa mar walba siyaasiyiin gacan ku sameys ah oo uu u muujinayo Dunida caalamka in ay tartanka doorasho la galayaan.

Waxa uu midab takoor ba’an ku hayaa qoomiyadda Canfarta oo aad ka warhaysaan dagaalkii Shinbira Gure ee Axmed Guray uu ku jabiyay Lebna Dhengel sanadkii 1529-kii qeyb weyn ka qaatay. (Maqaal ka hadlaya Canfarta ayaan dib faaladiisa idiinka soo qori doonaa.)

Waxa ay qoomiyada Canfarta oo nolol iyo geeri ay u diiday RPP taniyo intii calanka uu qaatay dalka Jabuuti 27-kii June, 1977-kii, ay mar walba la safnaayeen ururada mucaaradka, si ay kala fogaanshaha heerka nolosha awalba hooseysay ee u dhaxaysa Jabuuti iyo Ubukh ama Muluxle iyo Carta ay uga soo kabtaan.

Waxa aan ku soo gaba’baynayaa hadalka, si looga gudbo dhibaatooyinka uu Ismaaciil Cumar ku hayo Geeska Afrika waxaa kuli dadka dadnimada iyo damiirka leh faran in awooda ay isugu geeyaan ugana shaqeeyaan sidii loo la safan lahaa shicibka mudan in la taageero ee ay hormoodka u yihiin madaxda Midowga Samatabixinta Qaranka Jabuuti ee USN, loona rido xukuumada kaligii taliska Ina-Cumar Geelle.

Xukuumad ay madax u tahay USN ayaa lagaga bixi karaa dhibaatooyinka soo noqnoqday ee ku habsaday Dalka Jabuuti, dibaatooyinkaas oo ay ka mid yihiin: shaqo la’aanta baahsan, nolol xumida jirta, sixir bararka maciishada, suuq xidhashada shakhsiyaadka ganacsatada ee dantoodu ku qasabtay in ay la safantaan Ina-Cumar.

Ahmed Abdi

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s