Puntland waxay u baahan tahay isbedel

Puntland aasaskeedii wuxuu aha shalay, shalay waxay dhashay maanta. Maantuna waxay rimmantahay berri. wixii maanta la beddeli waayo ma filayo in berri hagaagi doonnan. waxaan aaminsan ahay maanta ayaa xaalku yahay.

 
Waxaan u baahan nahay isbedel horumar u horseeda dadka deegaanka oo iyagu muddo dhowr iyo tobban sanno ah ku jira Caddaalad xumo, sinaan la’aan iyo horusocod darro.
 
Waan ognahay waxaa maanta dhacaya waxay ka yimaadeen shalay, balse waxaan aaminsan ahay wixii shalay dhacay maanta wax badan ayaan ka bedeli karaa si berri ay u noqot o mid ka wanaagsan shalay iyo maanta.
 
12524270_812511318852873_4320324365577809562_nMa aha inaan si fiirsana nidaamka keligii taliska ah ee deegaanka ka jira oo u horjoogaha ka yahay Cabdwali Gaas oon ogolayn fikir aan tiisa ahayn. Cabsi gelin, dil iyo hagardamana kula dhaqaaqay dhammaan dadka ka soo horjeeda.
 
Deegaanada Puntland ma leh Warbaahin madax banaan oo xor ah, Sidoo kale Siyaasi, Oday, Ganacsade, Arday, Haween Ama qof kale oo bulshada ka mid ah fikiradiisa ma cabiri karo maanta. Cabdiwali Iyo kooxdiisuna dhaliil ama hadal uma ogola dadka ka soo horjeeda.
 
Cabdiwali Gaas Siyaasiyiinta maamulkiisa ka soo horjeeda waa u la dagaalamay, Warbaahinta deegaanka ka jirta wax dhaliil ah ma sheegi karto, Odayaasha ama waxgaradka oo aan hadal loo ogoleyn, sidoo kale Horjooge Gaas ama kuwii maamulka uga horreeyey ee u ku sheegay Alkolisteyaasha ma ahayn kuwa fikiradaha dadwaynaha dhagaysta.
 
Waxaa yaraaday la xisaabtankii maamulka iyo wax sheegistii, taasina waa astaanta diktaatoorka lagu yaqaan.
 
Horjoogaha Puntland Cabdiwali Gaas dadka deegaanku ma aha kuwa aaminsan waxaana yaraaday aaminkii dadku ku qabay maamulka, waxaana batay musuq-maasuqii iyo ina adeerowgiii.
 
 
Waxaa deegaanka ka cararay ganacsatadii iyo aqoonyahankii, qaar badana waaba la musaafuriyay, kuwa kalena xabsiyo ayay ku jiraan iyagoon wax caddaalad Ama maxkamad ah la saarin.
 
 
Tani waa caddayn ku muujin diktaatoor Cabdiwali Gaas inuu yahay keligii taliye cusub.
 
Xilligan Puntland waxay ku sugan tahay halkii ugu xumayd iyadoo maalinba maalinta ka dambaysa xaaladdu ku sii adkanayso dadka deegaanka, waxaa badanaya barakaca iyo tahriibka dhallinyarada jaamacaddaha, sidoo kale shaqo la’aanta, sicir bararka, iyo abaarahu waa kuwa burburiyay deegaanka.
 
Gaas iyo kooxdiisu waa kuwa keliya ee hantidu gacantooda ku jirto.
 
Inkastoo aysan badneen haddana waxaa jirta inuu Cabdiwali Gaas xilal u magacaabo dadka ka soo jeeda beelaha wawayn ee u is leeyahay waa kuwa ka hor iman maamulkaaga isagoo shaqsiyaadka calooshood u shaqaystayaasha ah ka dhigta gaashan u iskaga difaaco beelaha haddii ay maamulkiisa ka hor yimaadan.
Puntland maanta ayay hiil u baahan tahay si isbedel berri u yimaado. waxaan aaminsan ahay xaalka keliya ee Puntland waa in nidaamka tolnimada ku dhisan laga gudbo oo loo gudba mid horumar iyo horusocod samaynayaa kaasi oo ku iman karaa sidaan qabo hanaan caddaalad ku dhisan oo la abuuro iyo keli talisnimada oo dhammaata. 
yusufYusuf Ali Adan
Yusufcali@hotmail.com
Sirqarsoon@gmail.com
Sirqarsoon.com
Advertisements

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s