Puntland Iyo Kooxaha Xagjirka

Dadka deegaanada Puntland kuma cusba kooxaha islaamiyiinta xagjirka ah oo waxay weli xasuustan Ururkii Argagaxiso ee Alitixaad kuwaasoo dhibaato badan u gaystay deegaanka iyo dadka ku nool,

Sidoo kale waxaa la illaawi karin dagaalkii Galgala ee 2010.

Mar kale dadka Puntland waxay maqleen kooxaha xagjirka ah oo deegaanadooda ku soo qulqulayaa 15 Bishan maarso, Garacad ayaana siyaabo kala duwan loogu sheegay.

Waxaa la yidhi waa kooxo doonyo ku soo galay deegaanka, balse Wasiirka amniga Puntland Cabdi Xirsi Qarjab oo warbaahinta kula hadlay Garoowe wuxuu sheegay in argagaxisadu tahay mid laga soo abaabulay Muqdisho, Hobyo iyo xarardheerena ka yimmid iyadoo kooxda hoggaamin Xagjirka ama kuwa u Wasiirka Warfaafinta Soocadde ku sheegay dhallinyaro la khalday nin ay Wasiirka Ammniga qaraabo yihiin oo lagu magacaabo Saacid Kaarate.

Inkastoo kooxda Daacish hore ugu sugneed deegaanka Iskushuban iee gobolka Bari oo halkaas u joogo Cabdiqaadir macallin wadaad lagu magacaabo kaasi oo sheegtay inuu yahay madaxa ISIS ee Puntland. Sidoo kalena lagu arkay kooxaha mar sii horreeysay Degmada Dangorayo ee gobolka Nugaal haddana Puntland khatar wayn kuwaasi ma u arag.

Xagjirka Daacish/Alshabaab Iyo Ictisaam

Waxaa jirtay inta aan kooxaha Argagaxisadu iman tuulada xeebta ku taalla ee Garacad inay Degmada Jariiban oo garacad hoos timaado gaareen wadaado ka socda ururka Alictisaam oo awood badan ku leh Puntland.

Wadaada soo gaaray Jariiban ayaa safarkooda ugu magac daray dacwada diinta islaamka in la gaarsiyo Jariiban iyo deegaanada ku dhow dhow. dad badan ayaa isweydiiyay diinta Islaamka ee cusub oo kooxahani wodaan.

Dagaalka Suuj.

Kooxda Qabsatay Garacad ayaa u soo gudbay deegaanada Gobolka Nugaal halkaasi oo u ka soo jeedo horjoogaha hoggaamin Saacid Kaarate.

Waxay soo gaareen Gamaal iyo godob jiiran, kaddibna waxay dhufays ka dhigteen Suuj oo ah meel doox ama tog ah.

Dagaal ayaa ka billowday 16 Bisha halkaasi oo u maamulka Puntland iyo kooxahani isku fara-saareen. waxana dagaalkaasi yahay mid socday illaa maanta gelinkii hore inta aan dib loo riixin ciidanka Puntland.

Dadka deegaanka ayaa billaabay barakac madama dagaalka la isku adeegsan hub noocyadiisa kala duwan. waxayna dadka barakacayaasha ah gaareen Kabaal oo ka tirsan degmada EYL.

Kala hadalka Puntland.

Wasiirka Amniga Puntland wuxuu sheegay in kooxahan yimmid dhulka Puntland yihiin kuwa laga soo diray dhinaca Muqdisho, iyagoo soo maray Xaardheere iyo Hobyo, Dhinaca kalena wasiirka Warfaafinta Puntland wuxuu sheegay in kooxahani yahiin Dhallinyaro la khalday.

Horjoogaha Puntland Cabdiwali Gaas ayaa isaguna kooxahan ku sheegay Alshabaab, isagoo meesha ka saaray inay dowladda Soomaaliya soo adeegsatay wuxuna sheegay inuusan warkaasi maqal wasiirkuna si kale hadalka u yidhi.  Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya iyo Puntland leeyahiin hal cadow oo ah argagaxisada.

Saxaafada
Puntland ayaa ka mamnuucday warbaahinta gudaha inay ka hadlaan arrimaha dagaalada iyo in dadka loo soo gudbiyo xaqiiqada gudaha ka jirta.

– Ma jira Xidhiidh ka dhaxeeya Argagaxisada Iyo Puntland.

Dad badan ayaa aaminsan in Puntland xidhiidh hoose la leedahay Alshabaab madama horjoogahii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole wiil adeer uu u yahay hore u sheegay inuu adeerkii doonayay inay Shabaabka xidhiidh yeeshan.

Sidoo kale Taliyaha ciidanka Birmadka Puntland Cismaan Cuuke Afdalow ayaa lagu eedeya inuu kooxaha xidhiidh hoose la leeyahay madama u hub ka iibiyay markii Adeerkiis Cabdullahi Yusuf Yey Madaxweynaha ka aha Dowladdii KMG ee Imbagaati.

Dagaalka Xilligan.

Waqtigan Puntland waxaa ka jira abaaro adag, Sicir barar xooggan iyo weliba dhaqaale xumo, waxaana maamulku u bixin la’yahay mushaharka ciidamada darawiishta booliska iyo xiita shaqaalaha dowladda ee hoos yimmaada taasina waa dhibaatoyiinka haysta Puntland oo aan saamixi karin inay dagaal gasho.

Puntland ayaa waxa macquula inay gargaar ka dalbato dowladda Itoobiya haddii dagaalku ku sii socdo madama aysan awoodin dhaqaalena xooggana uusan jirin in kastoo Jaaliyaddaha dibaddu bixiyaan mushaharka Horjoogaha iyo qaar ka mid ah wasiiradda. sidoo kale Ciidamada badda iyo kuwa sirdoonka ayaa waxa ka kala caawiya dowladdaha Maraykanka Iyo Imaaratka carabta.

Ugu dambeyn Puntland ayaa dalbatay gurmad ciidan iyo dhaqaale, warsaxaafadeed ka soo baxay maanta waxay ku sheegtay inay uga baahan tahay caawimo mulatari Dowladdaha Jabuuti, Itoobiya, Kenya, Maraykanka iyo Gaashaan buurta NATO. 

image

Yusuf Ali Adan
Yusufcali@Hotmail.com
Sirqarsoon@gmail.com

One thought on “Puntland Iyo Kooxaha Xagjirka

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s