Maxaabiis la toogtay

Saraakiil ka tirsan ciidamada Puntland balss diiday in magacooda Warbaahinta laga sheego ayaa u xaqiijiyay Sirqarsoon.com in la dilay carruur maxaabiis ahaan isku soo dhiibay.

image

Carruurta ayaa rasaas lagu furay kaddib markii ay amar ku bixiyeen dilkooda Asad Cismaan diyaano Taliye ku xigeenka PSF iyo Taliyaha Darawiishta Puntland Siciid Dheere.

In ka badan 40 dhallinyaro ayaa la toogtay iyagoo dalban nolol, kuwaas oo u badnaa carruur da’dooda ka hooseyso 15 sanno.

Sharciga caalamiga ayaa dhigaya inaan la dilin Maxbuus dagaal lagu qabtay ama isku soo dhiibay Maxkamad la’aan inkastoo uusan Soomaaliya sharci looga shaqayn.

Sirqarsoon@gmail.com