Waan Ooyay!!!

Anigu waxaan ahay soomaali waxaanan ahay qof leh damiir soomaalinimo, dadkaygu waa soomaali waxaana qabaa in ay yihiin
kuwan dunida ugu kartida badan uguna caqliga badan isla jeerkaasna ugu geesisan.

Anigoo maankaygu yahay mid fayow oo soo jeeda ayaan waxaan fiirsaday muuqaallo lagu baahiyay qaaar ka mid ah warbaahinta Online-ka ah kuwaasi oo ku saabsanaa dhacdo wareed maalmo badan soo taagnayd oo aan aniguna ka mid ahaa suxufiyiinta qaabka online-ka u tabinaayay wararka ku saabsan dhacdadaasi [Dagaalkii SUUJ].

image

Maamulka Puntland ayaa caawa si toos ah warbaahinta uga shaaciyay in uu soo gabaabeeyay dagaalkii Suuj, iyagoona masuuliyiinta maamulkaasi ay soo bandhigeen Caruur aad u da’yar oo maxaabiis ah kuwaasi oo qaarkood dhaawac ahaayeen, halka kuwo kalana ayba dhimaad ahaayeen.

Runtii anigu shakhsiyan markaan fiirsaday wararka wiilashan aadka u da’da yar quluubtayda ama se shucuurtaydu way is badashay, waxaana mar qudha indhahayga shagax kasoo tidhi ilmo/illin, kaddib markii mid kamid ah Suxufiyiintii ku sugnaa goobta caruurtaas lagu soo bandhigaayay uu mid ka mid ah caruurtaasi waydiiyay ‘’Maxaad halkan kasoo doonteen?’’ isagoona wiilkii yaraa ku jawaabay ‘’waxa naloo sheegay in wax-barasho lana gayn doonno’’. Anigana markiiba sidan ayaan hoos isku idhi ‘’Waxbarasho mise Geeri’’. Waxaana qirayaa intaan caawa ooyay in aanan weligay ooyin.
Waxaan ahay nin hooyadii iyo aabihii waxay dhaleen ugu wayn kaas oo garan kara dhibta soo gaadhay wiil yar oo walaalkay oo kale ah kaasi oo hooyadii iyo aabihiis laga soo qalday lagana soo qaatay, waxaan is weydiiyay waa sidee tolow dareenka hooyadii dhashay wiilkaas yar ama se hooyooyinkii dhalay wiilashaasi?. Su’aal kale ayaan isasii waydiiyay oo ahayd tolow hooyooyinkood malagu celin doonnaa maadaama ay caruur yihiin lasoo qalday?.

Dagaal, gaajo, oon, iyo daal xad dhaaf ah ayay ku jireen muddo ku dhow todobaad kuwaasi oo aad ka dheehan karaysay duleedka sare ee dubkooda.
Maamulka Soomaaliyeed ee Puntland waxaan usoo jeedin lahaa codsi ah in dhalinyaradaasi mustaqbalkii ummadda Soomaaliyeed ah ee loo sheegay in waxbarasho la gayn doonno balse geeri loo keenay iyo xabsi ay si fiican ula dhaqmaan isla markaana waxbarashadii markii hore lagu soo qalday la siiyo oo diinta islaamka iyo duruus kale loo dhigo, weliba waxaan aad u codsan lahaa anigoo cod soomaalinimo wax ku codsanaaya in wiilashaas yar-yar lagu xarayn jeelashada dadka waawayn, waayo? Haddii maanta noloshooda jeel loogu bilaabo iyadooba iyagoo noloshu kaw u tahay ma filaayo in ay kasoo rayn doonaan, sidaas daraadeed waxaan leeyahay hala raadiyo xal kale oo aan ka ahayn Xabsi.

F.G: Qoraalkan waxaan qoray iyadoo indhahayga ay kasii qoyantahay illintii indhahayga kasoo qubatay.
Khaalid Foodhaadhi
Hargeysa, Somaliland

Advertisements

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s