Ummadda Puntland ee aan ahayn beesha Horjooge Cabdiwali Gaas ma miisaan buuxisba.

Maalinta dagaalka, colaada iyo dhibaatadu taagan tahay waa u baahdaan hiil iyo koox miisaanka u buuxis xerta Cabdiwali
Gaas kuwaasoo dhinta dhiigna u shuba. balse waqtiga barwaaqada, waxqaybsiga maamulka iyo wax cunku waa mid ku koobban Gaas iyo xertiisa, keligood fuuqsiga ma ahee aan hambada aqoon.

Maanta dadka ugu badan ee ku geeriyooday ama u dagaalamay difaaca Puntland waa kuwii shalay lagu caburinayay aragtidooda dulmi-diidnimo, waana kuwa keliya ee aaminsan Puntland magaceedu inuu jiro weligiis. Waa kuwa awrka lagu kacsado balse aan la ogeyn waxtarkooda illaa maalinta dagaal ama dhibaato timaado maahee.

Kuwaasi maanta waxay mudan yihiin in dib loo fiirsho dhibaatada ay ka caaban si loo dhiirigeliyo sinaana loo helo dhammaan dadka deeggaanka.

18 sanno ayay Puntland jirta, Labo maalin iyadoon dagaal socon ayaa rasaastii ka dhammaatay askarta Maamul gobolleedka Puntland, raashin la’aana ugu darsantay mushahar la’aantii hore. Waxaana rasaas ugu deeqay dowladda Soomaaliya oo Wasiirka Amniga Cabdi Xirsi Qarjab u ku sheegay kuwa iyagu Argagaxisada Puntland soo weerartay gacan siiyay. Shicbiguna cuno iyo cabitaan ayuu ciidanka la daba’joogay.  Dagaalku ma socon bilo iyo sannado xaage martay hantida dadka canshuurta looga qaada?? Aaway hubkii ama rasaastii Puntland?  Aaway kaydkii ciidanku?  Dhammaan waxaa looga gudbin su’aalaha qosol iyo guul ayaan gaarnay xiita lama awooddo in la dhaho annagoo dadkeennu ama dowladdeena dhexe nala jirto.

Beel keligeed dowlad ma noqoto ee waxaa maamul awood leh lagu yahay  wadajirka iyo isku duubnida taasi oo ah guusha maanta la gaaray furaheeda. Sidaas ayaana lagu wada socon karaa haddii daacadnimo jirto la ogol yahayna sinaan iyo caddaalad hirgasha billowna u noqoto Soomaali oo dhan.

Waan ognahay Kooxaha argagaxisadu waa caddowga keliya ee ummadda Soomaaliyeed guud ahaan, weliba Puntland waa meeshii ugu horreeysay ee dadkeedu la dirira caddowga mugdiga iyo aqoon xumida ku dhisan. Waxaana qabaa xagjirka wadajir ummaddeed keliya looga guulaysan karaa, guushiise caddaalad iyo sinaan inta aysan jirrin ma jirto sidaan qabo oo guul rasmiya lagama gaari karo waayo waa kuwa soo noqon iyagoo dadka xaqdarrada tirsan garab ka helayaa madama kuwaasi is leeyihiin waa halka keliya aad guusha ku gaari kartaan.

Puntland xilligan waxay noqotay meel la wada leeyahay maalinta dhibaatadu timmaado, balse dad gaara u xidhan waqtiga aan dhibku jidhin. Maamulka xilligan tallada hayaa waa inuu dadkiisa si siman u fiirsha caddaalad iyo sinaana ku hoggaamiya isagoo ka tegaaya shuqulkiisa ku dhisan jacaylka tolka, eexda iyo nin jeclaysiga.

Waxaa lagu tilmaama dadka deegaanka Puntland kuwa qaraabo hoose ah haddana waxba mid kan kale uma ogola. Taasina waa masiibada ugu wayn ee 18 ka sanno maamulkaasi jiray haysata horumarkana u diiday. Qof aan walaalkii wax u naftiisa la jecel yahay la jeclaana hore ayaaba  la innnoogu sheegay inuu xaasid xummaan ka buuxdo yahay. Xaasidkuna guul ma gaaro.

Fursad ayuu haystaa maanta Maamulka deegaanka ka talinayaa ee u Horjoogaha ka yahay Md. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas taas oo ah inuu shir wada-tashi ugu baaqo dhammaan beelaha deegaanka. Maamul xaqsoor ku dhisnaa magacaabo isagoo ka tegin nin jeclaysiga iyo sadbursiga. Waqtigan waa mid dadku faraxsan yihiin lagana guulaystay caddowgii la sheegay inuu soo weeraray deegaanka. Dabcan dadkuna waa kuwa niyad iyo qalbi wanaagsan haya madama gurmadkii iyo difaaci laga wada’qayb galay.

Haddii laakiin madax’adayg, anniga talin, keligey ayaa is difaacay, beeshayda keliya ku dhimatay dagaalka, annaga uunba difaacana iyo sheekooyinka la mid ah siyaasiyiinta si socdaan waxaan qiyaasaya inuu dulmigii jiray sii socon, xoog wayna yeellan doonna illaa u marka dambe isagu qarxo. Illaa xaq loo dabboola waa midka ugu dambeyn iftiime.

Waa inaan ka baxnaa guusha kugu koobban, iyo guuldarrada la waddaago dhammaan. Hiilka maalinta dhibku dhaco la doonayo balse barwaaqadu keliga kugu tahay. Dhib iyo dheef haddii aan la waddaagayn maxaa wax la iskugu darsaday shalay.

Maamulkuna waa inuu laamiga iyo deegaanada gaarka ah dhaafa, canshuurta ummadda laga qaadayna la wada gaarsiya dhammaan dhulka Puntland. Garsoorkana loo wada sinaada

image

Yusuf Ali Adan
Yusufcali@Hotmail.com Sirqarsoon@gmail.com

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s