Xassan Xanafi oo Racfaan ka qaatay xukunkii dilka ahaa ee lagu xukumay

3 Maarso ayay ahayd markii Maxkamadda Mulatariga dowladda Soomaaliya dil toogasho ku xukuntay Xassan Xanafi oo lagu eedeyey dilalkii wariyeyaasha Soomaaliyeed.

Xassan Xanafi wuxuu Racfaan ka qaatay xukunka, waxaana kiiskiisa loo gudbiyay Maxkamada sare ee Ciidamadda Qalabka Sidda waxayna dhegeysatay dacwadii loo haystay Xassan Xanafi Xaaji iyo racfaankii uu ka qaatay xukunkii Maxkamadda darajada koowaad ee ciidanka Mulatariga.
 
Dhagaysiga kaddib wuxuu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamadda QSS, Gaashaanle Sare Liibaan Cali Yaroow in Dib loo dhigay Kiiska mar kalana dib la isugu soo laaban doono.

Waxaa lagu soo qabtay Xassan dalka Kenya kaddibna waxaa gacanta loo soo geliyay ciidanka Sirdoonka Soomaaliyeed. Halkaas oo u muddo ku dhuumalaysanayay

Sirqarsoon@gmail.com