Dagaaladdii Galmudug iyo kooxaha Argagaxisada

Galmudug waxay qoraal ka soo saartay dagaal qaraar oo ay ilaa shalay kula jirtay maleeshiyaadka argagaxisada al-Shabaab kasoo ka socda deegaano hoostaga gobalka Mudug.

Qoraalka oo uu ku saxiixnaa Maxamuud Aadan Cismaan (Masagawaay), Wasiirka Warfaafinta Galmudug, ayaa waxaa lagu sheegay in al-Shabaab lagu jebiyay dagaalka, iminkana lagu daba joogga wixii ka firxaday oo uu dagaalka ilaa maanta uu ka socdo gobalka Mudug.
image

“Firxadkii al-Shabaab oo ahaa ciidan aad u badan dagaalka waa lagu jebiyey, 56 ayaa laga dilay, 22 ayay ciidanka nolol kaga qabteen, hubkii iyo saanadii ay wateenna waa laga furtay waxaana qaarkod lagu hayaa magaalada Gaalkacyo kuwaasoo Saxaafada loo soo bandhigay.” ayuu yiri Wasiirku.

Masagawaay waxaa uu Dowladda Somaliya Iyo Beesha Caalamkuba uu ugu yeeray in gurmad deg deg ah lala soo gaaro Galmudug, si ay si buuxdo galaangal ugu yeelato in al-Shabaab kaga wada saarto dhammaan Deegaanada Galmudug.

Dhanka kale Wasiirka, ayaa soo hadalqaaday in Galmudug ay furin dagaal Al Shabaab kaga furto dhulka ay kaga sugan tahay Koonfurta Gobolka Mudug, sida degmada Xarardheere, Cammaara, Ceelhuur iyo goobaha kale ee ku dhow dhow.

Madaxweyne Abdikarim Hussein Guled oo booqasho ku joogga Koonfurta Magaalada Gaalkacyo, ayaa dhammaan dadka reer Galmudug ugu yeeray in loo midoobo dagaalka lagu wiiqaayo Argagaxisada.

Abdifitahaam Ahmed

Sirqarsoon@gmail.com

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s