Xassan Xanafi oo markii labaad dil lagu xukumay.

Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sidda ee dowladda Soomaaliya ayaa dil maanta ku xukuntay Xassan Xanafi Xaaji Cabdisalaan oo loo haystay dilalka
Wariyeyaasha Soomaaliyeed hore ayuu Xassan racfaan uga qaatay xukun ay ku riday maxkamada darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida.

Gudoomiyaha maxkamada sare ee ciidamada qalabka sida Col. Liibaan Cali Yarow ayaa dhageysiga maxkamadda kaddib ku dhawaaqay xukunka dilka ah kaddib markii Maxkamadu cadaysay dambiga loo haystay Xassan Xanafi ee ahaa dilalkii Wariyeyaasha.

image

“Markey dhageysatay maxkamadu dacwada loo heystay Xasan Xanafi Xaaji Cabdisalaan, waxaa u caddaatay maxkamadda inuu galay dambigii loo heystay, waxeyna ku raacday xukunkii maxkamada darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida oo ahaa dil toogasho” sidaasi waxaa yidhi Liibaan Yarow Guddoomiyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sidda.

3 Maarso ayay ahayd markii Maxkamadda darajada koowaad ee mulatarigu ku xukuntay Xassan Xanafi dil toogasho ah.

Tan iyo 2007 labada kun iyo toddoba waxaa Soomaaliya lagu dilay 33 saddex iyo soddon Wariye.

Yusuf Ali Adan
Sirqarsoon@gmail.com

Advertisements

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s