Dhaqancelin Ciidan. (Faallo)

Puntland waa maamul gobolleed jiray muddo 18 sanno ku dhow haddana waxaa nasiib darro wayn ah inuu maamulkaasi lahayn ciidamo tayo ciidan leh ama la dhihi karaba waa ciidan rasmiya.

image

YUSUF ALI ADAN

Maamulka Ciidankiisu waa kuwa qabiil lagu soo xulay, tababar Ciidanimo aan habeen soo marin, nin kastana isagoo qorigiisa gacanta ku wata u askarinimo ina adeeroow ii ilaali lagu qoray. ma jiro askari leh dhaqan ama asluub ciidannimo oo deeggaanka ka hawlgala. mid kastana shaqada waa u joojin marka ina adeerkiisa u ilaallada ama shaqada askarinimo qoray ka dego xilka kuwa cusub ayaana booskiisa buuxin oo iyaguna habkii hore uun lagu soo xulay.

Haddii aad dhowr illaalo ah haysatid, ama Qabqable Madaxwayn tahay waxaad tahay Jeneraal Ama Korneel aan xiita aqoon u lahayn derejadu haysto waxay ka dhigan tahay. Qaar aan magacooda qori aqoon ayaa xiita ku jira oo Jeneraalo sheegan ama xilal sare maamulka looga dhiibay iyagoo qabiilka keliya loo fiirin.

Askariga Puntland marka u mushahar la’aan noqdo waa kuwa dadwaynaha guryaha ugu dhaca, Baarta dadka oo moobilada ka qaata. ama xiita ku dila dhowr shillin oo lacag ah. waana askar dhammaantood balwad leh oo ma jiro askari ama sargaal ciidan aan qaad/jaad, sigaar, tubaakada, xashiish ama khamri isticmaalin. Taliyaha Booliska ninka deeggaanka ka ah Cabdirisaaq Afguduud ama Taliyaha Darawiishta Siciid Dheere IQKB waa kuwa khamriga istaaga ku caba, jaadka iyo xashiishaduna u dheer yihiin. maxaad ka filaysaa kan ka hoosseeya? Shaqsi dhaqan celin u baahan haddii isaga dhaqancelin laga raadiyo sow wareer iyo waalli ma aha. Tusaale yar ayaa idiin siinaya Taliyaha Jeelka Gaalshire ee magaalada Boosaaso Shirow Baadhi waa Tubako Cun, Qaadka iyo Khamrigana aad u isticmaala haddana dad ayaa ilmahooda ugu gaysta dhaqancelis oo jeelka ku xirta carruurtooda muddo dheer, Shire IQKB waa kuwa iyagu u baahan dhaqanka in loo toosiyo tababar ciidana la siiyo madama aysan weligood hore ciidan u noqon.

Qisooyinka yaabka leh ee Puntland ka dhaca waxaa ka mid ah inuu askarigu xabada madaxa ka gelin haddii qofku ka cararo, haddii u canshuur bixin waayo, haddii dagaal labo qoys oo dhagax isla dhacaya arko ama carruur feedhtami. Magaalooyinka waweyn oo kale haddii mudahaaraddo dowladda looga soo horjeedo ka dhacaan askartu waa kuwa xabad u addeegsada dadwaynaha iyagoon ugu abbaa-yeellin.

Dadwaynaha reer Puntland waxay u baahan yihiin ciidamo tababaran, asluub iyo dhaqan ciidana leh. ma u baahna mooryaan xabadu ka horrayso micno la’aana dhiiga Aadanaha u daadinaya. berrina lagu soo fasaxayo ina adeerkey weeye iyo waxba ma taaban.

Xabsiga Boosaaso mar aan ku xidhnaa ayaa waxaa la keenay xilli habeen ah nin dhallinyaro ah, Waxaa la ii sheegay hadda inuu ku dhintay rabshado ka dhacay Qardho oo dhexmaray dadka deeggaanka iyo maamulkii Faroole. Waqtiga wuxuu ahaa Askari illaalo u ah Taliyaha  Qaybta xilligan gobolka Karkaar (Qardho+) Bashka-Jug soo-dhacay ”Cabdiqaadir Axmad Khayr” waxaana u si micno la’aan u dilay wiil yar oo 13 sanno jira kaasi oo u sheegay inuu ka shakiyay… dhowr maalin kaddib waa la sii daayay isagoon waliba bixin magtii ma diyo la siiyo reerkii ilmahooda u dilay.

Haddii aad xilli habeen ah askari ka tirsan ciidanka Puntland oo hubaysan aragtid waa mid ku dilayaa ama ku baaranayaa.

Heer waxaa dadka deeggaanada ku nool joogaan haddii ay arkaan askari naxdin gariiraan halkii ay neecow iyo qabow nabadgelyo la jirto dareemi lahayeen.

Ciidanka Puntland waxay u baahan yihiin dhaqancelin. si ay Asluub iyo dhaqan wannaagsan oo dadka lagula macamiilo u yeeshan. Waana in laga tirtira qalbiyadooda qabyaaladda iyo shaqsi u addeega oo la bara sharci u addeegista iyo shacab taakulaynta. loona sheega inay yihiin askar Puntland ee aysan ahayn Askar Cabdiwali Gaas, Cabdiraxmaan Faroole Ama qabiil hebel leeyahay.

Sirqarsoon@gmail.com
Yusuf Ali Adan
Yusufcali@hotmail.com

Advertisements

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s