Faroole oo murashax ah.

Kaddib markii xalay lagu saxiixay magaalada Garoowe heshiis dhexmaray dowladda Soomaaliya iyo maamul gobolleedka Puntland oo ku sabsana arrintii muddooyinkan
dambe la isku hayay ee Afar dhibic shan (4.5).

Horjoogahii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole ayaa kaga dhawaaqay magaalada Garoowe inuu yahay murashax u taagan xilka Madaxtinnimada Soomaaliya ee sannadkan. 

Cabdiraxmaan Faroole ayaa dhaliilay heshiiska dowladda Soomaaliya iyo maamulka u hore Horjoogaha uga ahaa dhexmaray. Inkastuu sheegay inuu xilka Madaxtinimada isku soo taagayo haddana dad badan ayaa su’aalo ka keenay isku sacabatunka Horjooge Faroole.

Faroole ayaa sannadkii xilligan oo kale xaaskiisii waxaa magaalada Garoowe ku dilay wiil u dhalay.

Dad badan ayaa leh nin gurigiisa inuu maamulo ku fashilmay sidee u doonaya inuu Soomaali u hoggaamiyo. 

Sidoo kale su’aalaha la isweyddiin ayaa waxaa ka mid ah waxaa kulmiyay heshiiska laga gaaray 4.5 iyo is caleema saarka madaxtinimo ee Faroole.

Si kasta Cabdiraxmaan Faroole ayaa doonaya inuu Madaxweyne ka noqdo magaalada Muqdisho oo u in badan ku tilmaamay magaalo beeshiisa lagu ugaarsado mar u ka hadlayay dilkii CabdiShakuur MIRE Aadan oo wasiir ku xigeen ka ahaa maamulkiisa.

Yusuf Ali Adan
Sirqarsoon@gmail.com

Advertisements

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s