Taariikhda Dr Cabdi Aw-daahir oo geeriyooday

Allah ha u Naxariiste waxaa shalay oo Taariikhdu ku beegnayd 6 Abriil magaalada Burco ku geeeiyooday DrCabdi Aw Daahir, Haddaba waxaa halkaan idiinku soo gudbin Taariikh koobban oo ku sabsan waayihii kala duwana ee Marxuumka.

1956 ayuu ku dhashay  Deegaanka Oodweyne  waxa uu dugsiga hoose ka galay magaalad duruqsi  ,1966kii ayuu dugsiga Boodhinka ah ee Oodweyne galay, 1970-kii waxa uu galay dugsigii sare ee camuud 1974kii ayuu  jaamacadii Umadda ee magaalada Muqdisho galay  waxaanu sannadkii 1979kii ka baxay  kulliyada daweynta iyo qalliinka, 1980kii waxa uu shaqada dhakhtarnimo ka bilaabay cisbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho waxaanu sannadkii 1981kii noqday   iskudawaha qaxoontiga ee shabeelada dhexe 1982 waxa loo soo bedelay cisbitaalka Burco oo uu ka noqday dhakhtar qalliin  markii dambena isu-duwe caafimaad ilaa sannadkii 1988.
1991 waxa uu noqday isu-duwanaha caafimaadka ee Togdheer  iyo dhakhtar qalliin.

image

1997kii waxa uu noqday wasiirka caafimaadka ee xukuumaddii madaxweyne Cigaal ee Somaliland .
2000 waxa uu ka mid ahaa afar xubnood oo asaasay xisbigi UDUB isaga , Cigaal,Gees, iyo cabdi Yuusuf. waxaanu noqday  xoghayihii ugu horeeyey ee xisbiga UDUB. ka dib waxa is khilafeen madaxweyne Riyaale

2003 ayuu xisbiga Kulmiye ku biiray waxaanu u wareegay magaalada Burco  isaga oo ka ahaa  dhakhtar .2004tii

Sannadkii 2011-kii  ayuu  noqday wasiirka xanaanada xoolaha  bishii labaad ee 2015kii  ayuu madaxweyne siilaanyo u magacaabay wasiirka arrimaha bulshada  iyo shaqada.

October 26, 2015  ayuu iska casilay  xilkii wasiirnimo .

waxaanu ka mid ahaa xubno xukuumada Siilaanyo siyaasad ahaan   ka hor yimi .

Waxa uu hadba ka mid ahaa xubno Shan ah oo garabka isbahaysiga kulmiye u matalaayey wadahadalo ay xisbiyada mucaaradka ah Kula jireen
Waxaanu ka mid ahaa xubno xisbiga Kulmiye laga saaray

4 bishan ayuu Facebook ku baahiyey isaga oo qalliin ka fulinaaya cisbitaal  Burco ku yaalla

6 April 2016 ayuu  Burco ku geeriyooday  isaga oo ah 60 sanno jir ah alle ha u naxariisto

FG. Xogta taariikhdiisa waxaan ka qoray waraysi uu bixiyey markii uu ahaa wasiirka arrimaha bulshada

Cumar Seerbiya

Sirqarsoon@gmail.com

Advertisements

One thought on “Taariikhda Dr Cabdi Aw-daahir oo geeriyooday

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s