Guddoomiye ku xigeenka Waqooyiga Mudug oo u jawaabay Yaasiin Cabdisamad

Guddoomiye ku xigeenka Waqooyiga Mudug Dabakariix ayaa u jawaabay nin sheegtay Nabadoon oo lagu magacaabo Yaasiin Cabdisamad kaasoo dadka ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya ugu baaqay inay muddo shan iyo toban cisho gudahood ah uga baxaan deeggaanada Puntland. 

image

Dabakariix ayaa sheegay in dadku nabadgelyada soo raaceen madama Puntland nabad tahay sidda u hadalka u dhigay, dadkuna Muslinimo waddaagan, isagoo sidoo kale ugu baaqay dadka Koonfurta ka soo jeeda inay samraan. 

Hadalkiisana wuxuu ku billaabay sidaan :-

“Waxaan rabaa hal maado oo idaacadaha lagaga hadlay inaan u sheego dadka idaacadaha ka had-hadla, waa dadka yiraahda dadkan Koonfurta ka yimmaada ha naga baxeen.  Waxaan u sheegaya inayaan baxayn ilaa ay waayaan sababtii ay u yimaadeen. Sababta ay u yimaadeen waxay ahayd amni. Dadka Koonfur ka yimid ilaa u amni waayo bixi maayo. Amniga goorma ayuu waayaya, waa marka inaguna aan wayno.. haddii ay amni waayaan inana waa wayaynaa. Markaynu amni isla wayno bay bixi karaan oo meeshii kale oo amni leh u haajirayaan.  Taas waxaa daliil u ah oo tusaale uga dhinaysaan ee’e wadamadda gaalada oo ay intaa isku sii gurayaan doomaha ay ku dhimanayaan badda ay ku harqanayaan… dadka lama celin karo shacabka ah ninka hadda yiraahda, Haddii maamulka Puntland hadda isla raaco shacabkiisu dadka baxa. Ma celin karaan qof Soomaaliya kula dhashay kula diin iyo dub ah, masaajidka kugula tukanaya meelna kama aadayo. Gaalkiibu ka waabban waayay. Saxaarihiibu ka waaban waayay. Baddiibu ka waaban waayay. Nololbu raadinayay. Ninka Saxaraha, Badda iyo gaalka ka waaban waayay, meel Soomaali joogto ammaan ah inuu ka waabto ha ka yaabbin.  Marka naga baxda dib inta uga fekertaan maxay u yimmaadeen? “NABAD BAY U YIMAADEEN, Goormay ka bixi karaan? “NABADA MARKAY WAAYAAN” Markay nabad waayaan inagu maxaynu nahay. Nabadana yaan la xumayn inaguna yaynu inkaar galabsan yaboohsan.  Dadka idaacadaha ka hadlayo mas’uuliyiinta illaahay ha ka cabsadaan. Qofkii dembiile ah waa la qabanayaa ama iyaga ha ahaado ama inaga ha ahaado. Idiinkana waxaan idiin sheegaya ummadda islaamka inaad ka mid tihiin. Waxaa la idiinka rabaa inaad wixii dhib ah idiinku yimaadana aad ku samirtaan. Amnigana aan ka wada shaqayno haddii alle idmo. ”

Yusuf Ali Adan
Sirqarsoon@gmail.com

One thought on “Guddoomiye ku xigeenka Waqooyiga Mudug oo u jawaabay Yaasiin Cabdisamad

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s