Dilaagii Wariyeyaasha Soomaaliyeed Xassan Xanafi Xaaji oo la toogtay.

Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sidda ee Soomaaliya ayaa maanta fulisay xukun dil ah oo hore ay ugu xukuntay Xassan Xanafi Xaaji Cabdisalaan oo ahaa dilaaga Wariyeyaasha Soomaaliyeed. 

image

Xassan Xanafi ayaa labo sanno ka hor lagu soo qabtay dalka Kenya. Wuxuu ka tirsana Ururka Alshabaab isagoo intuusan ku biirin kooxdana ka mid ahaa Bahda Warbaahinta. 

3 bisha maarso ayaa maxkamadda darajada koowaad ee ciidamadu ku riday xukun dil ah inkastuu racfaan ka qaatay, Mar kale ayaa Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sidda 26 bisha maarso xukunkii dilka dib ugu xukuntay Xassan Xanafi.

image

Guddoomiyaha maxkamaddaasi Cali Yarow ayaa warbaahinta u sheegay xiligaasi in maxsuulka kasoo baxay kiiska uu Xanafi racfaanka ka qaatay, wuxuuna sheegay in wajibkiisu yahay dil toogasho ah islamarkaana ku cadaadeen dhammaan eedihii loo soo jeediyay, isagoo dhinaca kale xusay in loo dili doono dhammaan wariyaashii uu ku lug lahaa dilkooda gaar ahaan Sheekh Nuur Abkey oo katirsanaa Warbaahinta Qaranka Soomaaliya oo Xassan sheegtay dalkiisa inuu qayb ka ahaa.

Ugu dambeyna Xassan Xanafi Xaaji Cabdisalaan waxaa lagu toogtay maanta oo isniin ah 11 Abriil Fagaaraha Cadaaladda.

Wariyeyaasha Soomaaliyeed ayaa ah kuwa kooxda Alshabaab uga qoran dil toogasho dhammaantood. Iyagoo u haysta inay yihiin koox ridowday.

Kooxda Argagaxisada ee Alshabaab ayaa illaa hadda ka hadlin dilka Xassan Xanafi oo aha masuulka u qaabilsana dilalka Wariyeyaasha, inkastoo qarax xooggan u ka dhacay maanta degmada Xamar Wayne dilka Xassan Xanafi kaddib.

image

Sabtidii 9 bishan Abriil ayaa sidoo kale waxaa sidaan oo kale loo toogtay raggii dilay Wariye Hidaayo Xaaji oo ka tirsaneed Warbaahinta Qaranka, dilka ragga kaddibna waxaa qarax wayn ka dhacay Beexaani.

Yusuf Ali Adan
Sirqarsoon@gmail.com

One thought on “Dilaagii Wariyeyaasha Soomaaliyeed Xassan Xanafi Xaaji oo la toogtay.

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s