Agaasimahii Warbaahinta Galmudug Iyo Xiriirka Warbaahinta Gaarka loo leeyahay oo iscasilay

Agaasimahii Warbaahinta Galmudug Md. Cabdifitaax Axmed Maxamuud war qoraal ah oo u soo dhigay bartiisa Faysbuug ku sheegay inuu xilka iska casilay.

Qoraalka ayaa u qornaa sidaan.

image

Anigoo ah Cabdifitaax axmef (Abdifitahaam Ahmed) waxaa Bulshada Soomaaliyeed caawa Ogaysiinayaa inaan iska casilay Xilkii aan ka hayay dowlad gobolleedka Galmudug kuna magacownaa ee Agaasimaha guud ee Warbaahinta Galmudug (Radio and TV) Iyo Xiriirka Warbaahinta Gaarka loo leeyahay (Director of Galmudug State Media And Public Relations Private Media at Galmudug State of Somalia).

Ma rabo inaan halkaan ku qoro sababaha rasmiga ah ee ugu kaliftay inaan xilka baneeyo balse waxaa muuqata oo wax qarsoon ahayn habacsanaanta Shaqo iyo Maamul ee Galmudug ka jirta. Sidaasi darteed waxaa go’aansaday inaan waqti dambe isaga lumin oo fursad siiyo Dhalinyarada kale ee xilkaasi buuxin karta anigana aan isku diyaariyo fursado kale oo ka muhiimsan.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta iyo dhaqanka Daahir Faarax Fiidow ayaa u magacaabay Cabdifitaax Axmed 6 Aktoober 2015 xilka Agaasimaha Guud ee Warbaahinta maamul gobolleedka Galmudug Iyo Xiriirka Warbaahinta Gaarka loo leeyahay oo u ugu dambayn maanta 13 Abriil u iska casilay Md. Cabdifitaax AXMED. 

Sirqarsoon@gmail.com

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s