Madaxweynaha Soomaaliya oo difaacay Haweenka shaqada Sucuudiga u aadaya

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa si xooggan u difaacay siyaasadda dowladdiisa ee ku aadan haweenka dalka Sucuudiga shaqada loo gayn. Isagoo ku tilmaamay arrinta
mid u wanaagsan haweenka madama ay dhibaato kala kulmi jireen aadista dalka Sucuudiga rafaad badana u mari jireen.

image

Isagoo arrinta ka hadlayaa wuxuu yidhi Madaxweynahu :- “Aad Iyo Aad ayaan uga xunahay doodaha qaarkood sida loo dhigaayo ee la soo qaadayo gabdhaha Soomaalida ah, gabdhaha Soomaalida ah haddaba  waa way safraan keligood ay safraan iyagoo dowladdii aynan dirin ay safraan iyagoo xuquuq ay leeyahiin iyo cid xuquuqdooda ilaalinaysa aynan jirin ay safraan.  Waa tahriiban baddaha ayay maraan, Yemen oo dagaal ka socdo ayay inta ku dhex lugeeyan ay sucuudi Araabiya muxuu ahayay galaan.  Waxaas oo dhan hadda way dhammaatay, dowladda kafalo qaaday, masuuliyad ay leeyahiin, xafiisyo iyo dad masuuliyiin ah ayaa daba’socda oo xaquuqdooda iyo waxooda ilaalinaya, marka waa sidaasa arrimahaasi ma jirto gabdhaheena wax dhibaato ah dabcan, haddaba dhibaata soo gaarta, laakiin mida hadda soo gaarta sharciga ma’ sharciga mid ka baxsanayba dhibaato ku gaarta laakiin sharciga dhexdiisa dhibaatadii kugu gaarta si aad u maraysa leedahay anagu waxaan rabnaa dadkeenu sharciga dhexdiisa inay ku noolaadan oo ku shaqeeyaan; haddii dhibaato ku gaaraysana sharciga dhexdiisa dhibaato ha ku gaarto. Si loo daba-qabto si xaquuqdooda raadiyo leedahay halka hadda iyagoo tahriibaya duurka maraaya lugaha inta laga xirto la addoonsanado oo meelo lagu haysto. Marka dadka Soomaaliyeed waxaan leeyahay ha ka baxaan waxaas gabdhaha Soomaaliyeed waa shaqo tegayaan way soo shaqaysanayaan iyagoo sharaf iyo karaamo leh ayayna dalkooda ku soo noqonayaan haddii alle yiraahdo, dowladda Soomaaliyeedna waa ilaalinaysa sharaftooda iyo karaamadooda.”

image

Hadalka Madaxweynaha ayaa ku soo aadaya iyadoo si weyn loo dhaliilayo siyaasadda dowladda ee gabdhaha Sucuudiga shaqada loogu dirayo.

Dumarka Ajnabiga ee ka shaqaysta dalka Sucuudiga ayaa dhibaato xooggan kala kulma dalkaasi kuwaas oo ay ka mkd yihiin dil, kufsi,  hanjabaado iyo jirdil  Iwm. 

Sirqarsoon@gmail.com

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s