Carruur iyo Ayeeydood ayaa lagu gubay Shalanbood.

Toddoba ruux oo hal qoys ka soo wada jeeda ayaa lagu dilay deegaan hoos yimaada Shalanbood oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose. dabley hubaysan
ayaa deegaanka baadiyaha Shalanbood ku dilay dadkan oo ahaa 6 Carruur iyo Ayeeydood iyagoo ku gubay aqal Soomaali ay deganayeen madama dadku reer guura ahaa. Dad kale ayaa iyaguna ka baxsaday dabka.

Dilka ayaa salka ku haya dagaal muddooyinka dambe dhexmarayay labada beelood ee Biyomaal iyo Habargidir oo wada degan gobolka Shabeellaha Hoose.

Carruurta la gubay ayaa da’doodu u dhaxaysaa 6 billood illaa 13 sanno. Halka Ayeeyada ilmahu ay jirto da’da Toddobatameeyada.

Magacyadooda waa kuwaan:-

1. Khadiija Maxamed Soomow oo 70-sano jirĀ 
2. Farxiya CabdiQaadir Shiikh Maxamed Sh, Maxamuud Gacal
3. Naciima CabdiQaadir Shiikh Maxamed Sh, Maxamuud Gacal
4. Axmed CabdiQaadir Shiikh Maxamed Sh, Maxamuud Gacal
5. MuzamilCabdi Qaadir Shiikh Maxamed Shiikh Maxamuud Gacal
6. Mulki CabdiQaadir Shiikh Maxamed Sh, Maxamuud Gacal
7. Nuur Cabdi Cusmaan Danoow.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Xassan Cumar macallin ayaa sheegay in arrinta aysan waxba iyagu ka qaban karin. Dadka dhibaatada gaystana aysan awood u lahayn soo qabashadooda.

Yusuf Ali Adan
Sirqarsoon@gmail.com

Advertisements

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s