Maxaad ka taqaana magacyada Dalaaliinta Soomaalida ee dadka ka ganacsada dalka Masar

Doonta dhalinyaradda Soomaaliyeed ku dhinteen waxay ka baxday magaalada Aleksandariya ee dalka Masar 8 bishan oo ku beeggan maalin Jimce ah, waxayna degtay

isla 10kii bishan Abriil 2016. Laakiin nasiib darro dalaaliinta dhiiga dadka ka ganacsada waa qariyeen geerida dadka masaakiinta si ay u helaan lacagii dadku ay xawaaladda AMAL si dhigteen. Iyagoo waalidiinta dhalinyaraddana ugu sheekeyn inay doontii Talyaaniga ku xiratay. balse waxaa warkeeda la helay 17 bishan aan ku jirno kaddib markii dhalinyaro la badbaadiyay ka soo hadleen dalka Giriiga.

Waxaa jirta koox Soomaaliya oo ka shaqaysta inay dadka ka soo tahriibiyaan dalka Masar, iyagoo lacago fara badana ka qaata dadka Masaakiinta ee tahriibaya. Waxayna doomo taagdaran ay saaran xadi dad ka badan intii loogu talagalay.

Sirqarsoon.com ayaa heshay qaar ka mid ah sawirada dulaaliinta Soomaalida ah ee dalka Masar ka soo tahriibiyey dhallinyarada Soomaaliyeed ee badda u dhaxeeysa Masar Iyo Talyaaniga ku dhintay.

Kuwaani waa qaar ka mid ah ragga dalka Masar wax ka soo tahriibiya, waxaa kale oo jira nin isaguna dadka uga soo dira dhinaca magaalada Hargeysa oo lagu magacaabo Axmed Cali Cumar Dhabane kaasi oo dalka Masar laga cayriyay. dulaaliintu intaan kaliya ma aha ee iyaguna waxaa jira rag jooga Yemen, Boosaaso, Suudaan, Illaa Muqdisho waana koox isku xiran kuwaasoo ka ganacsada dadka.

Laakiin ragga sawiradooda iyo magacyadooda aan hoos idiinku soo gudbin doono ayaa ah kuwa doonyaha ka saara dalka Masar Tahriibayaasha, iyagoo dadka ka qaata lacag u dhaxaysa $3000 ilaa $4000 oo dollar, halka ninka Carabka ee doonta laga iibsanayo lagula heshiiyo $2000 kun oo dollar.

image

1. CabdiSamad – Waa Arday saaqiday.

image

2. Cabdixakiim Diiriye Waa Arday dhigta Jaamacadda Qaahira.

image

3. Khadar Dheere – Wuxuu ku jooga Qaxootinimo, waxaana u sugayaa UNCHR, Mar ayaa hay’addu dib uga soo celisay garoonka diyaaraddaha Qaahira.

image

4. Cabdi Yasiin Yool – Waa Wariye ka tirsan Muuq baahiyaha HCTV, sidoo kale dalka u jooga dhoof suge qaxooti in lagu qaado.

image

5. Siciid Deeq – Wuxuu ku magac dheer yahay Scholes – Iskoolis Waxaa u hore uga tirsana Jaamacadda AlAzhar, Haddana waxaa u Master ka diyaarin Machadka Dowladdaha Carbeed.

image

6. Cabdifitaax Ismaaciil  (Cabdifitaax Ankar) – Waa shaqsiga billaabay shaqada tahriibinta dadka,

image

7. Xuseen Qaacaye – Wuxuu hore u ahaa Arday ka tirsan Jaamacadda AlAzhar intuusan ka saaqidin. 

image

8. Gaarhaye – Jaamacadda Alzhar ayuu dhigan jiray, balse waa ka saaqiday. Haddana UN-KA ayuu ka diiwangashan yahay hawsha dulaalkana dhinaciisa ayuu ka wodaa.

image

9. Xamse Abokor – Waa Arday ka tirsan Jaamacadda Qaahira. 

Kooxdan ayaa ah kuwa dhallinyarada u soo tahriibya dalalka Yurub, iyagoo aan kala jeclayn dhimasho iyo nolosha dadka ay tahriibinayaan waxayna ku soo raraan doonyo yar yar tiro aad u badan oo dhallinyaro ah. keliyana waxaa u darran lacagtooda halka dhallintana ay ka go’an tahay Yurub inkastoo dhibaatooyin badan ka horreeyaan balse aysan ku tashan qaarkood madama raggan dadka ka ganacsada wax kasta uga dhigaan sahal.

Yusuf Ali Adan
Sirqarsoon@gmail.com

Advertisements

One thought on “Maxaad ka taqaana magacyada Dalaaliinta Soomaalida ee dadka ka ganacsada dalka Masar

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s