Horjooge ka tirsan Alshabaab oo lagu qabtay degmada Kaxda

Howlgal xalay ciidamada Nabadsugida ay  ka sameeyeen  degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ayaa lagu soo qabtay horjooge ka tirsan kooxda Al-shabab, sida u afhayeenka maamulka gobolka Banaadir
, Cabdifitaax Cumar Xalane.

Xalane, ayaa sheegay in xalay ciidamada ammaanka howlgalka ay sameeyeen si nabad ah u dhacay isla markaana lagu guuleystay in ninkaas gacanta lagu soo dhigo.

“Xalay ciidamada ammaanka waxay soo qabteen horjooge ka tirsan AlShabaab, gacanta laga soo qabtay, waxaa lagu magacaabaa Xasan Fanax, ragga madaxiisa lacagaha dul-saarnaa ayuu ka mid ahaa” ayuu yiri  Xalane.

Wararka ayaa sheegaya in horjoogahan uu horay u hogaamiyay dagaallo iyo weeraro lagu qaaday ciidamada dowladda federaalka  iyo AMISOM.

Dhinaca kale, afhayeenka maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in ku simaha guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiinta ammaanka ay xalay kormeero ku sameeyeen qeybo ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir, halkaas oo howlgalo amni ay ka socdeen.

 
Sirqarsoon@gmail.com

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s