IlkaXanaf oo aqbalay xil ka qaadista Madaxweynaha Soomaaliya

4 Bisha May, ayay ahayd markii wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud xilka looga qaaday Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee

dalka Caydiid Cabdullaahi Ilkaxanaf. 

Ilkaxanaf ayaa aqbalay xil ka qaadista sheegna inay tahay sharci sidoo kalena wuxuu yidhi “xilka waan ku wareejin doonno Guddoomiyaha Cusub ee Madaxweynahu u magacaabay Maxkamadda sare Garyaqaan Ibraahim Iidle Suleebaan”.

Md. Iidle waxaa uu ahaa garyaqaanka guud ee maamulka Soomaalilaan ka hor intaanu 28 Abriil, 2016 isagoo Soomaalilaan ka maqan waraaqda iscasiladiisa u gudbin Madaxweynaha Soomaalilaan Axmad Muxamad Maxamuud (Axmad Siilaanyo).

Ma jirin waqtiga faahfaahin dheeriya oo iscasiladiisa la raaciyay inkastuu Soomaalilaan ka maqnaa in muddo ah iyadoo Madaxweynaha Soomaalilaana xilkiisa si ku meelgaar ah ugu magacaabay  bishii Diseember ee sannadkii tegey Masuul lagu magacaabo Cabdisamad Maal kaas oo hore u aha Agaasimaha Wasaaradda arrimaha gudaha.

Yusuf Ali Adan
Sirqarsoon@gmail.com

Advertisements

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s