Taliyihii Booliska Qaybta Gobolka Sanaag Ee Puntland Axmed Gega-Roor Oo Isku Soo Dhiibay Somaliland

Ciidamo ka soo goostay maamul goboleedka Puntland ee Somalia, ayaa isku soo dhiibay Somaliland, kuwaas oo uu hogaaminayo Gaashaanle Sare Axmed Siciid Maxamed (Axmed Gegoroor) oo ahaa Taliyihii Booliska maamulkaasi ugu magacawnaa Gobolka Sanaag.

Ciidanka ka soo goostay maamulka Puntland, ayaa maalintii Khamiistii isku soo dhiibay maamulka Gobolka Sanaag ee Somaliland, kuwaas oo la sheegay in ay  ciidan badan yihiin, isla markaana uu wato Axmed Gegoroor, kaas oo ciidanka uu wato kaga yimid deegaanka Xiingalool ee bariga sanaag, isaguna uu soo gaadhay magaaladda ceerigaabo.

Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Axmed Cabdi Jaamac Falaay iyo Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Sanaag, ayaa Ciidanka oo la sheegay in ay dhinaca Hargeysa u soo wadaan Sarkaalkan hogaaminaya ciidanka isku soo dhiibay Somaliland, kuwaas oo la sheegay in ay xalay soo gaadheen magaaladda burco oo ay u soo dhaafayaan dhinaca magaaladda Hargeysa oo ay ku soo jeedaan.

Gaashaanle sare Axmed Gega roor, ayaa  wararka ay shebekedda Somalilandrise.com ka heshay ay sheegayaan in loo magacaabi doono xil sare oo Somaliland, xilkaas oo aan illaa hadda la ogayn waxa uu noqon doono, balse wararka qaar ayaa tibaaxaya in loo wado taliyaha qaybta booliska ee bariga Sanaag.

 

Somaliland Rise

Advertisements

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s