Puntland kama jirto warbaahin wax lagu tilmaami karaa

Deegaanka Puntland kama jirto Warbaahin madax banaan ama awood u leh inay ka hadasho waxaa ka jira gudaha deegaannada. Keliya waa warbaahun ku dhisan qabiil iyo shillin xaqul jaad ah.

Horjooge Cabdiwali Gaas shir Saxaafadeed walba u qabto waxaa u bixiyaa jaadka wiilasha wariyeyaasha ah, sidoo kale wuxuu bixiya lacagta war gudbinta wax kasta oo dhaliil ama khalad u ku hadlana warka waa laga jaraa waana la toosiya. Warka ka baxa Telefeshiinka Horjooge Gaas ee Garoowe iyo kan ka baxa idaacadaha ama telefeshinada kale ee Puntlana waa hal.

Muqayil walba wuxuu wata Moobil u codka ku duubo ama Raadiye wuxuuna isagoo qaadiraysan hor taagan yahay hadba meeshii xaqul jaadka laga heli isagoo arkaya warar xiiso badan ama bulshada faaiido u ahna lagama yaabo inuu soo gudbiyo, keliya wuxuu mashquul ku yahay war maamulka taagta darran ee deegaanka lagu qancin oo keliya.

Warbaahinta Puntland ka jirta waa mid qabyaaladdu fure u tahay, Wariye kastana wuxuu marka aad la sheekeysato hadal kaga billaabaya mid reerkeena ah ayaan maanta shaxaad u raadsan, duhurkiina ninkii ammaantiisa dhex ceegaagta Raadiyaha ama habeenkii ayaad Muuq baahiyaha ka arkaysaa.

Inta badan Wariyeyaasha Puntland waa dad ka saaqiday waxbarashadii, aqoon badana aan lahayn, waana kuwa balwada Saaxiib ka dhigtay. Ma jiro ayaanba dhihi karaa Wariye aan balwad lahayn oo Puntland ka hawlgala 99.9% ugu yaraan waa Asxaabul murqaan.

Dhaliil maamulka Puntland in laga sheega warbaahinta gudahu waa wax lama-arkaan ah. Haddii lagu arkana waa xabsi iyo xarig. Waxaaba jira Wariyeyaal Warbaahinta deegaanka qaarkood ka hawlgala ama Mareegaha Puntland qora kuwaas oo maamulka jawasiis u ah. Iyagoo mushahar aan lagu siinin arrimaha, balse keliya ku dhiman Horjoogaha ayaanu isku qabiil nahay Iwm.

Cabdiwali GaasCabdiwali Gaas inuu warbaahinta markii shaqadiisa ay u dhamaystiran u ka joojiyo weydiimahu waa mid xaq uu u leeyahay madama shillin warka ay ku qaadan oo uusan ahayn war iyagu faa’iido ku raadin. Dunida meesha warhelidu lacag iyo kharash lagu bixiyo Puntland iyada ayaa lacag ku bixisa Warramayaashu inay warka gudbiyaan keliya.

Sidoo kale waxaa qayb ka ah shaxaadka warbaahinta wariyeyaasha la jaalka noqday mulkilayaasha Warbaahinnaha Puntland ka hawlgala, kuwaas oo Wariyeyaasha mushahar u siiya lacag aad u yar sidoo kalena u sheega Wariyaha inaan idaacada ama Telefeshiinka laga baahin karin war aan lacagtiisa jeebka lagu hayn, wariyahana kuma xushaan aqoon ama hawlkarnimo balse waxay ku qaataan ragga reer hebel, halka hablahana quruxda daawada ah ayaa lagu xusho.

 

 

 

Sirqarsoon@gmail.com

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s