Ra’iisul Wasaaraha Hindiya iyo Aragtida Soomaaliya.

Baaniyaal Narendra Damodardas Modi Ayaa waxaa laga saaray mamnuuc soo gelitaanka Imaaratka Carabta “UAE” kaddib Markii uu yiri dhimashada ilmaha ku dhimanaya Kerala waxay ka xuntahay Soomaaliya.

Imaaratku wuxuu ka mamnuucay inuu dalkiisa soo galo isagoo hadalka Baaniyaalka ka caraysan, sidoo kale Warbaahinta waa ka xayireen illaa u hadalka gafka ah raalligelin ka bixiyo.

Warka oo lagu qoray Mareeg Theunrealtimes aadban madaxa ugu ruxay, inkastuu run ahayn oo warbaahintaasi tahay mid qorta wararka aan xaqiiqada ahayn.

 

ddMaxaa ka run ah hadalkaRa’iisul wasaaraha Hindiya.

Dadka gobolka u Soomaaliya inay ka xun yihiin sheegay iyagu waaba ka caroodeen in Soomaaliya lala meel dhigo. Haddana kaga sii darane mudahaarad ayayba baraha bulshadu ku xiriirto ku sameeyeen.

Soomaaliya laguma ixtiraamo carruurta, sidoo kale maalin kasta kooxaha Argagaxisada ama ciidanka Amisom waa kuwa dila carruurta. Wararkaasina waa kuwa warbaahinta aduunyadu mar kasta tebiso taas oo Ra’iisul Wasaaraha Hindiya dabcan u arkay sawiro naxdin leh oo ku sabsan dilka iyo dhaawaca carruur Soomaaliyeed.

Masuul Soomaaliya oo ka jawaabay hadalka Modi ma jiro taasina waa marqaati kac inaan nahay dal aan ubadka laga xaqdhowrin aysana xaquuq lahayn, dilka iyo dhaawaca ilmaha Soomaaliyeed waxaa u dheer jirdil macallimiinta dugsiyada ama iskuulada iyo ardayda oo cabsi ku jooga. Ardaygu dugsiga ama iskuulka wuxuu u taga cabsi waalidka ama macallinka.

Ma jeclin aflagaadada iyo hal qabsiga xumaha ee dalkeenna sharafta badan, Haddana waxaa badan ayaa run noqon karaa marka la fiirsho dhinaca runta Qayaxan.

Waa inaan u dhaqaaqna isbedel, dunidana tusna quruxda iyo barwaaqada dalkeenna, sharafta iyo karaamada dadkeenna. Inaan nahay dad dhaqan suubban iyo diin sharaf leh haysta nabad ku nool xaqdhowra haweenka iyo caruurta madama diinteenu xiita taasi ku taallo. Baaniyaal aan lo’ caabuda maanta tusaale inuu inaga dhigtana waa mid aan inagu ugu wacan nahay, waa mid siyaasi iyo hoggaanka xun ugu wacan yahay.

Soomaaliya ma u baahna siyaasi dhuun iyo calool ka hadal ah, qaraabaysi iyo eex bulshada kula dhex jira shalayna lagu ogsoona maantana daahir iska dhiga ama mid xilligan shuqulka shaqadiisu tahay ee waxay rabtaa hoggaamiye awood leh kartina u leh hoggaamiinta isla markana dalka iyo dadku hal u yihiin nabad iyo barraarana horseeda. Dunidana ka iibiya Soomaaliyada xaqdhowrka iyo dhaqanka suubban ku dhisan.

 

Yusuf Ali Adan

Sirqarsoon@gmail.com

Advertisements

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s