Xabsi gelinta Afdalow iyo shaqo joojinta Afguduud

Warar hoose oo warbaahinta Sirqarsoon heshay ayaa tilmaamaya in xabsi Madaxtooyada Boosaaso looga dhigay Taliyahii Birmadka Puntland Cismaan Xassan Cuuke ”Afdalow” iyadoo sidoo kalena shaqada laga joojiyay Taliyaha ciidanka booliska Puntland Cabdirisaaq Maxamuud Yuusuf  ”Afguduud”. Shaqada Taliyaha booliska ayaa waxaa si ku meel gaar ah ula wareegaya Cabdiqaadir Shire Faarax (Erag) oo ay beel waddaagan Horjoogaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ”Gaas”.

Afdalow iyoAfguduud

Bidix waa Taliyaha Booliska Cabdirisaaq Afguduud, Midig waa Taliyaha Birmadka Afdalow. Sirqarsoon

Shaqo joojinta iyo xabsi gelinta labbada sargaal ayaa timid kaddib dagaal ku dhexmaray magaalada Boosaaso 5 bisha aan ku jirno ee maajo.

Dagaalka dhexmaray labada Sargaal ayaa waxaa ku dhaawacmay Wasiirkii Wasaaradda Amniga maamul gobolleedka Puntland Cabdi Xirsi ”Qarjab”, Taliye ku xigeenkii Birmadka Cali Xun, Shan ka mid ah Maleeshiyadka labada taliye ciidan iyadoo u ku dhintay dagaalka mid ka mid ah maleeshiyaadkii dagaallamayay.

Taliyaha Booliska Puntland Cabdirisaaq Afguduud ayaa laga yaaba in la beddelo madama u la shaqeyn waayay saraakiisha ay isku beesha yihiin Horjooge Cabdiwali Gaas, Waana nin sidaa la tilmaamay aad u diiddan la shaqeynta kooxaha argagaxisada oo Taliyaha birmadka Cismaan Afdalow in badan lagu eedeyey inuu xidhiidh hoose la’leeyahay.

Dad badan ayaa welwel ka qaba xaaladda ammaanka Puntland oo sii xummaan iyo mas’uuliyiinta mid kasta tiknikada iyo hubka la cararayo geeskiisa iyadoo koox kasta midda kale aysan ka amar qaadan.

 

 

Yusuf Ali Adan

Sirqarsoon@gmail.com

 

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s