Cudur laga qaaddayo kaluunka oo Boosaaso ka dillaacay.

Waa arrin iska cad in xeebaha dalka Soomaaliya ay ku duugan tahay sun si sharci darro ah loogu shubay, Arrintaas oo cid ka hadasha illaa hadda aysan jirin, xiita Madaxweynahadalka Maraykanka Barack Obama oo bishii hore London ku sugnaa ayaa wiil Soomaaliyeed su’aal ka weydiiyay arrintaas, balse wuxu sheegay inuusan waxba ka ogeyn. Halka Saxaafiyiin Talyaani ah oo dabagal ku hayay ganacsiga suuqa madow ah lagu dilay magaalada Muqdisho

 

Xeebaha Soomaaliya ma jirto cid ilaalisa, taas ayaana sahal ka dhigaysa in looga kaluumaysto si aan sharci ahayn sidoo kalena sunta haraaga warshadaha lagu shubo
Madax XanuunHaddaba xanuunada ka dhashay sunta badda lagu shubay ayaa waxaa ka mid ah kuwa muddooyinkan dambe magaalada Boosaaso lagu arkay.Calaamaddaha xanuunka lagu arkay magaalada waxaa ka mid ah:-
1. Hargab aan baxayn iyo lafa xanuun.
2. Daawadii oo aan jirkaaga karayn haddii nabar ku gaaro.
3. Indhaha oo ku ilmaynaaya marka aad xanuun dareentid.
4. Madax wareer joogto ah.
5. Mararka qaar inaad dareentid awooodaada oo daciifaysa.
Dr. Yusur oo Sirqarsoon.com la hadlay ayaa sheegay inaan dhaqtarada magaaladu ogsooneen xanuunkaasi wuxuu yahay, isagoo kula taliyay dadka in keliya biyo badan la cabo, daawooyin kaalmaati ahna la isticmaalo.
kaluunAmaal Kamaaludiin oo  siminaar ay jaamacadda Muqdisho faraceeda magaalada Boosaaso ka bixisay kuna sabsana tallo bixin caafimaad kaga hadashay dhibaatada sunta badda lagu qubo, waxay iyadu kula talisay dadka magaalada Boosaaso in la yareeyo cunitaanka kaluunka. sidoo kalena waxay dadka kula talisay in magaalada ay ka xagaa baxaan si jawi macaan ay u soo qaataan.
Dadka intaa badan xanuunka hargabka iyo jir xanuunka ah ku dhacay ayaa ku sheegaya inay ka qaadeen cunitaanka kaluunka. Tanina waa mid caddayn u ah in kaluunku yahay mid sumaysan oo xanuunsan isagu keennin.
Maamul gobolleedka Puntland madaxdiisa ayaa heshiisyo kula jira shirkadaha jariifka ee Soomaaliya iyagoo ka qaata lacago taas oo u oggolaan shirkadaasi  inay badda ka kaluumaystaan in kastoo aysan jirin la socod ayna iskugu dambayso marka ay lacagtooda gacanta ku dhigaan halka shirkadaahaasi waxay doonan ka samaysan badda.
Yusuf Ali Adan
Sirqarsoon@gmail.com

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s