Puntland oo joojisay lacago ay Ahlusunna ku maalgelin jirtay.

Maamul gobolleedka Puntland ayaa joojiyay lacago u ku maalgelin jiray kooxda Ahlusunna waljameeca ee magaalada Duusamareeb. waxaana la sheegay in lacagaha ay u weecin doonan dhinaca maamul gobolleedyada Bakool Sare iyo Galguduud sare.

Waxay ku bixin jirtay Puntland lacag dhan Shan boqol kun oo doolar taageerida bil kasta kooxda Ahlu Sunna Waljameeca ee ka soo horjeeda maamul gobolleedka Galmudug ee u hoggaamiyo Cabdikariin Xuseen Guuleed fadhigiisuna yahay magaalada Cadaado.

Kooxda Ahlusunna ayaa maamul gobolleed u hoggaamiyo wadaad lagu magacaabo Shiiykh Maxamad Shaakir Cali Xassan kaga dhawaaqay magaalada Duusamareeb kaasi oo lagu magacaabo Gobollada Dhexe inkastoo ilaa hadda dowladda Soomaaliya iyo Hay’addaha calaamiga ah aqoonsan yihiin maamulka Galmudug inkastoo Itoobiya garab kooxda Ahlusunna ka haysato.

Puntland ayaa mushahar la’aan shaqaalaha iyo saraakiisha ciidanka ka jirta, sidoo kale abaaro iyo sicir barar ayaa deegaanada ka jira halka Cabdiweli Gaas Maamulo nabadgelyo doonaya u ku kicinayo kooxo gadoodsan, iyadoo Puntland uusan u ogoleyn kala go’iitaan haddii xiita ay ka timaado dadwaynaha.

 

Sirqarsoon@gmail.com

Advertisements

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s