Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya oo kulan kula qaatay madaxda golaha Ammaanka ee qaramada midoobay magaalada Muqdisho

Wafdi ka socda golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, iyagoo kulamo kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiiykh Maxamuud, Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, ku xigeenkiisa Maxamad Cumar Carte iyo xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Soomaaliya ”Wasiirada Iyo Baarlamaanka”

ammankaU jeedada imaanshaha golaha ammaanka ayaa la xiriirta sidii loo dardargelin lahaa qorshaha doorashooyinka dadban ee sanadkan lagu wado in ay ka dhacdo Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ayaa saaka tagay kulanka baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo madaxweynaha uu xildhibaanada ka codsaday in ay dedejiyaan ansixinta hanaanka doorashada dalka oo golaha shacabka ay gacanta ku hayaan.

Wararka xarunta golaha shacabka imaanaya ayaa sheegaya in ilaa 60 mudane ay is qoreen kuwaas oo doonaya in ay fikirkooda ka dhiibtaan sharciga suurtagelinta doorashada dadban ee dalka.

 

 

 

 

Sirqarsoon@gmail.com