Uganda oo laga mamnuucay in sigaar lagu cabbo goobaha dadwaynaha.

Dalka Uganda, waxaa maanta ka dhaqan galay qaanuun cusub oo adag oo mamnuucaya in sigaar lagu cabbo goobaha dadka ka dhexeeya.

image

Cidii lagu qabto iyadoo sigaar ku cabbaysa makhaayadaha, huteelada iyo baararka, waxay mudan doontaa ganaax lixdan($60)ah, ama laba bilood oo xarig ah.

Cidii sigaar cabbeysaa waa in ay goobaha dadka ka dhexeeya kala fogaato ilaa 50 meter. Waxaa kale oo qaanuunkan cusub uu mamnuucaya iibka sigaarka electronigga ama tubaakada baakadeysan oo indhawale caan ka noqotay golayaasha lagu caweeyo ee caasimadda kampala.

BBC