Dagaal culus oo ka socda Baladweyne.

Dagaalka Culus ayaa maanta dib ugu qarxay Galbeedka Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ee bartamaha Dalka Soomaaliya. Dagaalkan ayaa xoogiisa waxaa laga soo sheegay Xaafada Howlwadaag ee Galbeedka Magaalada Baladweyne.

Dadka Degaanka qaarkood ayaa sheegay in ay bilaabeen barakac xoogaan maadaama ay shaaciyeen in aysan u muuqan waan waan la doonayo in laba dhinac la kala dhex dhigo.

Dhinaca kale, Guddoomiye ku xigeenka Magaalada Baladweyne ayaa sheegay ugu yaraan 8 Ruux in ay ku dhinteen Daadad xoogan oo ka dhashay fatahaad uu sameeyay Wabiga Shabelle.

baladweyneDaadadkan ayaa ku fatahay qeybo ka mid ah Xaafadaha Baladweyne ee Gobolka Hiiraan.

Dadka ku dhintay fatahaada Wabiga Shabelle ayaa isugu jira Caruur iyo Haween, sida uu Idaacadda Shabelle u sheegay Guddoomiye ku xigeenka Magaalda Baladweyne.

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay Dagaalkan maalintii 5-aad ka socda Xaafada howlwadag ee Galbeedka Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s