Midowga Yurub oo wax laga xummaado ku tilmaamay ismari waaga ka taagan doorashada Soomaaliya.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Midowga Yurub u qaabilsan arimaha Soomaaliya ayaa wax lagu xumaado ku tilmaamay is mari-waaga ka dhex jira hanaanka Doorasho ee Sanadkan 2016.

Bayaankan ayaa lagu xusay in Midowga Yurub uu si dhow ula shaqeenayay Madaxda Dowladda iyo Guddiga Baarlamaanka u xil saaran dib u eegista hanaankii doorashada ee ka soo baxay Shirarka Madasha Wadatashiga Qaran.

euQoraalkan ayaa sidoo kale lagu muujiyay in Midowga Yurub uu aad ug xun yahay in Heshiis cad laga gaari waayo arintan ka hor in aysan Magaalada Muqdisho soo gaaray 15-ka Xubnood ee Golaha Amaanka ee Qarmada Midoobay.

“Soomaaliya waxey khasaarisay fursad muhiim u aheyd” sidaasi ayaa lagu yiri Wasaxaafadeedka ka soo baxay Ururka Midowga Yurub.

Dhinaca kale, Warsaxaafadeed dhawaan ka soo baxay Beesha Caalamka ayaa looga dalbaday Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka meelmarinta Heshiiska hanaanka doorasho ee Dalka Soomaaliya oo dhawaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu horgeeyay Golaha Shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, Michael Keating ayaa ku tilmaamay meelmarinta qodobada horyaala Xildhibaanada Baarlamaanka mid ku xiran mustaqbalka wanaagsan ee Soomaaliya.

 

 

Sirqarsoon@gmail.com

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s