Madaxweynaha oo soo saaray xeer lagu dhaqan gelinayo heshiiskii madasha wada-tashiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiiykh Maxamuud oo saaka shir Jaraa’id ku qabtay xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya, ka soo saaray xeer lagu dhaqan gelinayo go’aannadii ka soo baxay madasha wada-tashiga qaran ee ahaa in dalka ay ka dhacaan sannadkan doorashooyin dadban.

xasanMadaxweynaha ayaa dadweynaha Soomaaliyeed ku wargeliyay in doorashooyinka ay dhicidoonaan waxqtigi loogu talagalay isagoo tilmaamay in xeerkaasi uu dhaqan gelidoono maanta.

Xeerka ayaa hore waxaa uga doodayay Baarlamaanka Soomaaliya oo isagu arrinta isku mari waayay, Hore ayaa sidaan oo kale waxaa u sameeyey Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Shiiykh Shariif Shiiykh Axmed kaddib markii Baarlamaanku noqday Xannibayaal.

 

Go’aanka Madaxweynaha Soomaaliya

 

 

Sirqarsoon@gmail.com