Magaalada Baladwayne oo dagan iyo qaylo dhaan ka soo baxaysa

baladweyneXaalada magaalada Baladwayne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa lagu soo waramayaa inay maanta dagan tahay, islamarkaana aaney jirin dagaal halkaasi ka soconaya.

Dadka magaalada iyo masuuliyiinta gobolka Hiiraan qaarkood ayaa xaqiijiyey in xaaladu maanta tahay mid caadi ah oo ka duwan jawigii magaaladu ay ku jirtay maalmihii lasoo dhaafay oo dagaalo ayka socdeen.

Waxaa la xaqiijiyey in maanta lagu wado in wada hadal uu u bilowdo  waxgarad kala matalaya labada beelood ee ku dagaalamay magaalada Baladwayne ee xarunta gobolka Hiiraan. waxay ahayd shalay markii lagu guuleystay in xabad joojin loo sameeyo beelahii ku dagaalamay magaalada, iyadoo wixii intaa ka dambeeyey xaalada magaalada ay si caadi ah kusoo noqoneyso.

Dhinaca kale waxaa laga deyrinayaa xaaladda nololeed ee dadki ka barakacay fatahaadda iyo colaadda Baladwayne kuwaasoo ku dhibaateysan duleeddada magaaladaasi.

Qoysaska ka barakacay Baladwayne ee gaaray deegaannada Janta Kun dishe iyo Ceel jaalle ayaan heysan gabbaad ay galaan gabowga habeenkii, dhibicda roobka iyo qoraxda maalinti, tiiyoo ay u sii dheertahay cuno la’aan.

Waxaa sii kordhaya qulqulka dadka ka barakacaya xaafadaha magaaladaasi, kaddib markii biyaha wabigu gaareen xaafado badan oo ka mid ah degmadaasi, inkastoo ay socdaan gurmad lagu soo saarayo dad weli ku go’doonsan guryahooda.

Ugu dambayn maamulka gobolka Hiiraan iyo kan magaalada Baladwayne ayaa dalbaday gurmad degdeg ah, iyagoo sidoo kale woda dadaallo loogu gurmanayo dadka dhibaatada fatahaada wabiga iyo cooladahu iskugu darsameen.

 

 

Sirqarsoon@gmail.com

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s