Jimcaha Turkiga ee Muqdisho

erdoganInkastoon booqashada hore dowladda Turkigu u shaacin sababo dhinaca ammaanka ah haddana Madaxweynaha Turkiga Raccep Tayyib Erdogan wuxuu gaaray markii saddexaad caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. sii diiran ayaa loogu soo dhoweeyey, wuxuuna furay safaaradda dalkiisa ee dibadda u ku leeyahay tan ugu wayn oo degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir ku taalla.

 

Saacado yar oo u Muqdisho joogay kaddib Madaxweynaha Turkigu wuxuu dib ugu laabtay dalkiisa.

Madaxweynaha Turkiga iyo booqashoyinka Soomaaliya.

19 Agoosto 2011, Maalin Jimce ah ayay ahayd markii ugu horraysay ee Ra’iisul wasaarahii waqtiga ee Turkey ahna Madaxwaynaha xilligan ee dalka Reccep Tayyip Erdogan u soo gaaro caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Iyadoo dalka abaaro xooggan ka jiraan, waxaa u la kulmay Madaxweynahii Dowladdii Ku meel gaarka ahayd ee Soomaaliya Shariif Shiiykh Axmed, isagoo dalka Bikrada ah ee Soomaaliya waqtiga mashaaric badan ka saxiixday oo Turkiga faa’iido wayn u ahaa.

23 Jannaayo 2015 maalin jimce ah ayuu mar labaad Soomaaliya iman lahaa balse waa baaqday madama Boqorkii Sucuudiga Cabdulle Ina Cabdicasiis u geeriyooday. Balse taas beddelkeeda wuxuu Soomaaliya soo gaaray 25 bisha Jannaayo, 2015 Maalin Axad ah waqtigan wuxuu ahaa Madaxweynaha Turkiga, si wayn ayaa loo soo dhoweeyey. Waxaana markan isaga Soomaaliya ku soo dhoweeyey Madaxweyne cusub oo aan ahayn kii hore Xassan Shiiykh Maxamuud. Wuxuu furay Cusbitaalkii “Ex- Digfeer” Balse isaga loogu magac daray, Qayb cusub oo garoonka diyaaradaha Muqdisho ah dhammaan waxyabaha waxay ahaayeen mashaariicda Turkigu Soomaaliya ka hirgeliyay.

3 Juun 2016 Maanta, Maalin kale oo Jimce ah ayuu mar kale Erdogan isagoo Madaxweyne ah Soomaaliya yimmid, waxaana soo dhoweeyey Madaxweynaha sannadka doorashada isku diyaarin Xassan Shiiykh Maxamuud, wuxuu albaabada u furay safaaradda dalkiisu Soomaaliya ku yeellan oo ah mid ku taalla xeebta, baddana u dhow. Wuxuu sheegay in Soomaaliya xidhiidhka ay la leeyahiin sii kordhin doonan.

Turkiga ayaa Soomaaliya ka hela dhaqaale aad u fara badan, inkastuu mashariic kala duwan dadkuna u baahna qabtay haddana faa’iidada iyo qorshaha Turkey ee Soomaaliya ayaa ah mid wayn. Dadka magaalada Muqdisho iyo Koonfurta ayaa aad ugu jidbaysan Turkiga jacayl darrana u qaba madama u waqti abaaro iyo macaluul darran ka jirtay u soo gurmaday.

Waxaa kale oo jira wada-hadalo Turkigu garwadeen ka yahay oo u dhexeeya qaybaha Soomaalida ee Koonfur (Somalia) Iyo Waqooyi (Somaliland). Safaaradda Muqdisho Turkiga mid la mid ah ayaa uga furan sidoo kale magaalada Hargeysa ee caasimadda gobollada Waqooyi.

Dalka Turkey ayaa faa’iido badan oo dhaqaale ka helay ganacsatada iyo dadka Soomaalida.

Madaxwaynaha dalkaasina waa mid Jimceyaasha laamiga Muqdisho u xiran yahay dhowrka saacadood ee u joogo magaalada.

 

Yusuf Ali Adan

Sirqarsoon@gmail.com

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s