Madaxweynaha Soomaaliya oo Dhabaab gaaray.

image

Maxaweynaha Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud ayaa duhurnimadii maanta booqasho ku gaaray xeryaha qaxootiga ee dalka Kenya.
Waxaa soo dhaweeyay wasiirka arrima gudaha Kenya iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka dalkaasi, iyadoo sidoo kale u meesha uga horreeyey Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdisalaan Hadliye, Xassan ayaa booqday goobaha Caafimaad iyo dugsiyada Waxbarashada, isagoo sidoo kale la kulmay hoggaamiyeyaasha dadka qaxootiga ah.

Waa markii ugu horreeysay Madaxweyne Soomaaliyeed uu booqdo xeryaha Dhadhaab muddadii ay jirtay, waxaana halkaas ku nool dad Soomaali ah oo aad u badan oo muddo rubuc qarni ka badan ku noolaa xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya.

Dad badan ayaa ku micneeyey Booqashada Xassan Shiikh ee Dhadhaab isku diyaarin doorashada saddex billood kaddib lagu ballansan yahay. Waxaanse la aqoon waxay ka beddeli doonto go’aanka Kenya ee in la xiro xeryaha bisha Nofeember ee sannadkan.

Xassan ayaa la filayaa inuu Nayroobi kula kulmo Uhuru Kenyatta. iyadoo xidhiidhka Soomaaliya iyo Kenya muddooyinkan dambe uusan wanaagsaneen tan iyo markii Madaxwaynaha Soomaaliya u sheegay in Kenya looga dilay 200 askari in ka badan dagaalkii Alshabaab ku qaadeen xero ciidan oo ay ku lahayeen Ceel-Cadde ee billowgii Sannadkan.

Sirqarsoon@gmail.com