Haweenay lagu dilay Gaalkacayo

image

Habeenimadii xalay waxaa waqooyiga Gaalkacayo lagu dilay haweeneey lagu magcaabi jiray Dhudi Yuusuf Axmad oo ka tirsaneed
shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyigelinta Puntland.

Kooxo ku hubaysan bastoolado ayaa ku toogtay haweeneydan xaafada garsoor oo ka tirsan Waqooyiga Gaalkacayo.

Kooxda dilka gaystay ayaana baxsaday iyadoo ciidanka Puntland sheegayaan inay baaritaano ku wodaan kooxaha dilka ka dambeeyey.

Sirqarsoon@gmail.com