Dowladda Soomaaliya, AMISOM, Itoobiya Iyo Alshabaab oo siyaabo kala duwan uga hadlay weerarkii Halgan

hubInkastoo la sheegay in Khasaare Culus loogu Geystay Alshabaab Weerarkii ay ku qaadeen saldhigga ciidamada Itoobiya ee Qaybta ka ah AMISOM kaasoo ku yaalla Deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan, ayaa haddana Siyaabo kala duwan ay uga Hadleen Wasiirrada Gaashaandhigga, Amniga iyo Madaxweynaha Soomaaliya, AMISOM, Dowladda Itoobiya, Maamulka deegaanka Halgan iyo kooxda Alshabaab.

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya, Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo la hadlay Idaacadda Dowladda Soomaaliya ee Radio Muqdisho, ayaa caddeeyay in Weerarkii shalay ee deegaanka Halgan lagu dilay 240 dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab.

Sidoo kale, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdiqaadir Diini oo ay shalay si wadajir ah u qabteen shir jaraa’id Wasiirka Amniga Gudaha, ayaa isagana sheegay in lagu dilay Weerarkaas 120 ka tirsan xoogagga Alshabaab, laguna qabtay Hubkii ay wateen oo isugu jiray Qoryaha Fudud iyo kuwa Daran-dooriga u dhaca.

Afhayeenka ciidamada AMISOM ee Somalia, Jeo Kibet oo isna la hadlayay SONNA oo ah Wakaaladda Wararka Soomaaliya, ayaa sheegay inay ku dileen dagaalkii ka dhacay Halgan ee Gobolka Hiiraan in ka badan 100 ka tisran xoogagga Al-shabaab.

“Weeerarkii Halgan waxaa Al-Shabaab looga dilay 120-ruux,  sidoo kale Hub badan ayaa looga furtay, kuwaasoo ay ka mid yihiin qoryaha fudud ee AK-47-ka ah oo ku dhaw 100-qori, garneellada garbaha laga tuuro iyo gaadiid dagaal,” sidaasna waxaa isna yiri safiir ku xigeenka safaaradda Itoobiya ee Soomaaliya, Kamaaludiin Mustafa oo la hadlay warbaahinta.

Guddoomiyaha deegaanka Halgan, Guhaad oo isna la hadlay warbaahinta ayaa ku sheegay weerarkii Alshabaab ay ku qaaday deegaanka Halgan inuu fashilmay isla markaana lagu Dilay 150-dagaal-yahan oo Al-shabaab ka tirsan, ciidamadana aysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray.

Madaxewynaha Soomaaliya Xassan shiikh Maxamuud ayaa isaguna ka hadlay dagaalka ka dhacay Halgan

“Anigoo ku hadlaya magaca dowladda Soomaaliya, waxaan si diiran u soo dhoweynayaa guusha ballaaran ee ay soo hoyeen ciidankeena iyo kuwa Ethiopia oo cashar lama ilaabaan ah u dhigey cadowga. Jabkani xooggan ee AlShabaab loo geystey waxaa uu muujinayaa in argagixisada la iska dhicin karo, loona geysan karo dhirbaaxo ka kulul kan maanta loo geystey’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in jabka loo geystey Alshabaab uu niyadda u dhisayo dadwaynaha nabadda jecel, isagoo intaa ku darey in hadafka dowladda Soomaaliya uu yahay in gebi ahaanba dalka iyo gobolka Geeska Afrika laga ciribtiro argagixisada Al Shabaab iyo kooxaha kale ee ku fikirka ah.

“Dagaalka lagula jiro Al Shabaab wuu sii socon doonaa. Goobo badan ayaa lagu jebiyay, meelaha kooban ee ay ku harsan yihiinna goor dhow ayaa laga sifeyn doonaa. Waxan sidoo kale u hambalyeynaya shacabka Soomaaliyeed oo mar walba garab taagan dadaalka ciidanka geesiyaasha Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM ee inaga caawinaya dagaalka lagula jiro argagixisada’’.

Dhanka kale, Alshabaab ayaa Waxay iyaduna Sheegtay inay Weerarkaas ku dishay in ka badan 60 Askari oo isugu jira; Ciidamada Itoobiya ee AMISOM iyo Ciidamada Soomaaliya ee saldhigyada ku lahaa Halgan, inkastoo aysan sheegin khasaaraha dhankooda soo gaaray.

Ugu dambeyn, Marka laga soo tago Wararkaas is-khilaafsan – ma jiraan Warar ka Madax-bannaan dhinacyadan oo Xaqiijinaya khasaarihii weerarkii deegaanka Halgan ka dhashay

 

Sirqarsoon@gmail.com

Advertisements

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s