Cunsurinimo lagula dhaqmay Yasmiin Mayow

image

3-May 2016 waxay aheyd maalinta xuruyatul qowlka, ama saxaafada. Waxaa uu ka dhacey hotelka City Plaza ee Muqdisho.

Waxan helay warbixin ah in doorasho NUSOJ uu ku xigo, Waxaan ku fekeray inaan is tijaabiyo.

Maalintaan sheegay in aan musharax ahey waxaa dagaal ii qaadey qaar ka mid ah ragii maamulka wadey, iyagoo markaasi ii diidan inaan ku sugnaado goobta ay ka dhaceyso doorashada.

Sababtu markaan raadiyeyna ay ku ekaatey Omar Faruk Osman ayaad taageersan tahay, iyo idaacadahaad ka hadashaa. Facebook ayaad ka dhaliishaa shirka iyo hadalo ka fool xun.

Waxaan dareemay abuse iyo faquuq. Dadkii kale ee maamulka wadey ayaan gaarsiiyey cabashadeyda, waa ka aamuseen.

Waan ku adkeestey inaan sii joogo goobta, waxaa la soo gaarey in ley nacaladeeyey leygu dhego Hadlo,

Waxaan go’aan Dhab ah ku gaarey isla goobtaas,anigoo burburinaayo waxa leyga doonaayey ee ah inaan ka fogaado shirka .waxaan goaankeyga uu sii xoogeystey markaan bixiyey lacag dhan 150$ ah si leygu daro dadkii musharaxiinta ahaa, anigoo rabo inaan gaaro hamigeyga.

Waxaa la ii diidey kaarkii aan kaga qeybgeli lahaa shirka, ka dib waxaa shir ila qaatey raggii ila dagaalsanaa oo ii diidanaa inaan ka mid noqdo,

Wuxuu igu yiri waxaa daqiiqado ka dib bilaaban doono doorashada, mana guuleysan doontid ee tanaasul sameey.

Waxaan ku iri inaan guuleysto waxaa igala weyn inaan dariiq u furo gabdho badan oo hami leh. Waxaa ii muuqdey inaan ka run sheego rabitaankeyga.

Doorashada markey dhamaatey maalmo ka dib xoghayaha NUSOJ loo doortey wuxuu ii magacaabey xil, balse waxaan ahaa qof uu dagaal iyo abuse ay ku socdeen, waxaa maalin ka dib leygu wargeliyey in aanan mudneyn inaan ka mid noqdo NUSOJ, sabatuna ay tahay inaan ka soo jeedinin qabiil markaas looga baahnaa meesha, in aan caruur dhaley iyo in aan ahaan jirey taageero Omar Faruk Osman.

Ugu Danbeyn dalkeenii iyo dadkeenii wuxuu ku jiraa xaalad xun ee aan u saamaxeynin inuu qof qiimo leh wax ka qaban karo.

Waa suaalee sidee ayaan uga gudbi karnaa xaaladahaas qalafsan.

 

Xigasho: Yasmin Mayow

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s