Ciidanka Soomaaliya Oo Qabtay Raashin Dhacay.

five-1-300x225Ciidanka booliiska ayaa garoonka Aadan Cadde ku qabtay raashin dhacay oo isugu jiray boqol shey oo kala duwan oo ay kamid ahaayeen galley ,Masaggo Caano boore, saliid iyo nuucyo kale.

Ciidamada booliska ayaa raashinkan qabtay xilli la doonayey in loo dhoofiyo qeybo kamid ah gobolka Gedo, halkaas oo qorshuhu ahaa in loogu qeybiyo qoysas Soomaaliyeed.

Taliyaha hoggaanka ilaalada Canshuuraha ee ciidamada Booliska Soomaaliya Cabdullaahi Xasan Bariise oo garoonka kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Raashinkan dhacay ee la qabtay ay laheyd Hay’adaha Cunada Aduunka ee WFB, islamarkaana ciidanku ay gacanta ku hayaan shaqsiyaad masuul ka ahaa raashinka.

“Hay’adda WFB ayaa laheyd gacanta ayaan ku dhignay waxaa la doonayey in Garbahaarey iyo Baardheere la gaarsiiyo si dadka loogu qeybiyo”Ayuu yiri taliyaha.

Cabdullaahi Xasan Bariise Taliyaha hogaanka ilaalada Canshuuraha ciidamada booliska Soomaaliyeed ayaa dhinaca kale sheegay in la bilaabayo baaritaan ku saabsan raashinkan, gudi gaar ahna loo magacaabi doono.

“Dowlada gudi ayey u saari doontaan waana la baarayaa insha allh, wixii kasoo baxana wan la wadaagi doonaa Bulshada”sidaasi waxaa yiri Cabdullaahi Xasan Bariise.

Raashinkan ay qabteen ciidamada booliska Soomaaliya ayaa muuqaal ahaan isbedelay, taasi oo muujineysay in waqti badan uu raagay oo lagu hayey baqaarada.

 

 

Sirqarsoon@gmail.com

Advertisements

Reeb Fariin

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s